Filim xiiso badan oo laga sameeyay Soomaalida duurka ka jarta Dalarna

Sidii aan bishii Maarso wax ka qornay Soomaali gaareysa 20 ayaa loo qaatay in ay ka qeyb qaataan mashruuca xuduuda geedaha lagu sameynayo ee gobolkaasi Dalarna. Mashruucaas ayaa ahaa wadashaqeyn dhexmartay kamuunka Borlänge, waaxda dhirta (Skogsstyrelsen) iyo Waaxda cabirka dhulka (Lantmäteriet).

Ka dib tababar xaga cilmiga iyo gacantaba ah ayaa waxaa filim laga sameeyay horumarkii ay soo sameeyeen Soomaalidaas iyo shaqada wacan ee ay ka hayaan duurka Dalarna. Filimka ayaa ku bilaabanaya Maxamed Maxamud Guure oo ka waramaya xaalada Soomaaliya iyo fursada ay Sweden siisay Soomaalida. Hadaba ila daawada muuqaalka.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

13 Responses

  1. Abu Salaaxudiin says:

    Waa Hawl Fiican haddii loo barbar dhigo in CEEYR la iska sugo , maxaa yeelay qofku inoo MURUQIISA MAALO waa MUHIIM .

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 0

    • massago says:

      SHaqo si kasto ay u xuntahay waxeey dhanataa shaqa la,aan
      Dh,yarada Dalarna waa ugu hanbalyeeyhaa dadaalka ay muujiyeen inta kale oo waxa aan macanaha laheyn ku dhunsho waqtigooda saasoo kale ineey naqdaan ayaan rajeynaaa

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. rashka says:

    a,s aqyaarta dhamaan waa shaqo fiican oo ay somalida qabteen in ay tusaan dadyowga swedishka ah in somalida haddii shaqo la siyo in ay melkasta oo macquul ah ay ka shaqeyn karaan.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. cusmaan says:

    intressant!!! runtii waa wax lagu farxo inaan aragno somali shaqeysaneysa oo weliba keymaha ka shaqeyneysa..somalida waxa lagu eedeeya inay yihin ma shaqeestayaal oo cer un qaata, laakin hadii saan o kale fursad la siiyo o wax labaro waxan hubaa in sidaan o kale u shaqeesanayaan..waxan ku faraxsanahay hooyo soomali oo qabaneyso shaqadaaan adag ee xata raga ku dhibka ah ..waadna sharafteen ilaahay ha idin sharfo…

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. Samsam says:

    well done.Shaqado waa muhiim inu qof kasta bariskiisa so saarto oo reerkisa biishado.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  5. Khadija says:

    Hambalyo ayaan idin leeyahay walaalahayga shaqadan ka shaqeysanaya waxa keliya ee muhiimka ahi waa inaan shaqeysano oon dhididkeena cuno intii aan cayr yar sugi lahayn. Waxaan weliba rabaa inaan hambalyo gaara u diro maamada soomaaliyeed ee iyadu keligeed dumar meesha uga jirtey weliba shaqo adag qabanaysa waxaana leeyahay halkaa ka sii wad si ay swedishku u ogaadaan inaan nahay dad jeceyl iney shaqeystaan.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. watani boy says:

    asc walahi waan qoslay saaxibayaal maxayeelay annaka dhan ayaaa bishii hore ilaa bishaan waxaaan jarnaa gedahaan saaxibayaal waaa mashruuuc socdo maxayelay dhalinyarata xafata dhan waaa looo tirayaa waxaan joognaa duulo ladhahayo kisa eeriyaal linköping allaha nookaso ianna shaqo ku helno balse waxaa ka siii fiican inan wadankeena nabadeysano

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. Beerey says:

    Aad baan ugu faraxsanahay inaan arko asxaabteyda aan isku xaafada nahay,, run ahanti waxan arki jiray iyaga oo u kalahaayo shaqada,, aad ayan u xiiseynayey inaan mar uun arko sida ay wax u wadaan,,Aad baana ugu bogadinaya howsha sida ay ugu howlanyihin,,HAMBALYO ayaana leeyahay!!!

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. Wadani says:

    Asc waxan slmya dhaman akhristaysha umada somaliyeed , runtii dadka shaqaynaya waxay sharaf u tahy somali reer sweden waxayna sharaf dhac iyo been aruur u tahy swedish cunsuriyiinta ah ee har iyo habeen somali kushaga mashaqaystayal. Guud ahanba somalidan waxay soo jideen sharaf iyo sawir ka bedelan kii laga haysty

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. somaliboys says:

    jimaace sxb suashaan iga soo jawaaab meeshan aan uu shaqo doonane bal nooo sheeeg sida looolala xidhidhayo indeeeero waan uu bahan ahay wali intaan caydh iyo faaaadho ku dirri ku jirnee sxb bal jawab wacan ayaaan ka sugayaaa

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  10. raxmo says:

    maansha alaah dadaal shaqo waa helee insha alaah soomaali sharaf leh waa tan shaqo kasta aa sharaftaada ku heleysaa

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  11. Ragiihore says:

    Kkkkkkkkkk nimaan shaqeysan shaah waakaxaaraaam, come n guyz aan shaqeysano dalkeeniina wax uqabano plz

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  12. kkkkkkkkkkkkk says:

    kkkkkkkkkk this language is too damn shit

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2