Finland: 5 Soomaali ah oo lagu maxkamadaynayo kufsi

8

Shalay waxaa bilaabatay maxkamadaynta 5 nin oo Soomaali ah oo lagu haysto in ay kufsi u geysteen gabar ka soo degtay tareenka xaafada Mosabacka ee magaalada Helsinki. Bishii maarso ayaa la sheegay in raggaan ay si wada jir ah u kufsadeen gabadha. Haddii lagu helo dambiga lagu eedeeyay raggaan ayay tahay arin ceeb weyn u soo hoynaysa Soomaalida Finland.

Gabdha lagu magacaabo Ujuni Ahmed oo Soomaali ayaa YLE u sheegtay in haddii raggaan ay ku cadaato dambiga, ay muhiimtahay in Soomaalida Finland ay kacaan oo arrintaan ay cambaareeyaan. Waxay sheegtay in ay muhiimtahay in Soomaalidu ay ka wada hadlaan arimaha la xiriira galmada, daroogada iwm isla markaana ay cadeeyaan in kufsiga aan la aqbali akrin.

“Waxaan ku noolnahay Finland 2015, Soomaalidu waa in ay aqbalaan in aanan dib ugu laabanayn dalkii hooyo, waa in aan qaadanaa dhaqanka iyo fikirka Finland. Halkani waa dhulkeena waa in Soomaalidu ay sidaa u noolaadaan oo isku diyaariyaan” ayay tiri Ujuni Ahmed.

Fikradaha gabadhaan ayaa waxaa dhibsaday qaar ka mid ah Soomaalida. Waxay sheegeen in aysan masuul ka ahayn kufsiga ay geystaan koox Soomaali ah.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horeysay ee Soomaali lagu eedeeyay kufsi. Bishii Febraayo ayay ahayd markii aan soo qornay in 8 nin oo Soomaali ah ay doonta Finland iyo Sweden u kala gooshta ay ku kufsadeen haweenay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here