Finland oo adkaynaysa mideynta qoysaska soo galootiga

24

Dowlada Finland ayaa qorsheynaysa in ay adkayso mideynta qoysaska soo galootiga ah ka dib baaritaan cusub oo ay samaysay wasaarada arimaha gudaha.

Isbedelka lagu samaynayo sharciga Finland ayaa waxaa ka mid ah in dadka la siiyay magangalyada bani’aadanimada reerahooda loo keeno haddii ay haystaan dhaqaale ku filan iyo guri. Arintaan ayaa hada ah talo ay soo jeedisay wasaarada arimaha gudaha iyadoo hada loo saaray gudi samayn doona sharci badalida.

Shuruudaan cusub ee ay Finland soo wado ayaa noqon karta mid caqabad weyn ku noqota Soomaalida halkaas ku nool, iyadoo qaar badani ay Finland u doorteen maadaama ay fududeyd mideynta reeraha balse riyadaas ayaa u muuqata hada in ay soo dhamaatay.

Wadamada Iskaandaneefiyaanka ayaa u muuqda kuwo isku waddo ku socda taasoo ah in la adkeeyo wadooyinka ay soo galootigu ku soo gali karaan mandaqadaan. Sweden ayaa hada dib u bilaabaysa mideynta reeraha Soomaalida ka dib 2 sano oo xayiraad ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here