Finland oo bixinaysa kaarar cusub oo deganaansho

6

Finland ayaa bixinaysa kaarar cusub oo deganaansho ka bilaabata sanadka soo socda kuwaasoo ay ku jiraan faraha qofka. Nidaamka hada laga isticmaalo Finland ee ah warqada baasaboorka lagu dhajiyo ayaa guud ahaan la joojin doonaa.

Arintaan ayaa macnaheeda yahay dhamaan dadka deganaanshaha dalbada iyo kuwa iska dhiiba wadanka in laga qaadi doono faraha kuwaasoo lagu keydin doono kombutarada Yurub. Finland ayaa qorsheynaysay in ay arintaas sameyso mar hore balse cilado farsamo ayaa dib u dhigay.

Dadka deganaanshaha ka soo dalbanaya dibada ayaa waxay haystaan ilaa bisha May 20, 2012 inta uusan dhaqan galin kaarka cusub.

Kaarka cusub ee ay bixinayso Finland ayaa waxa uu la mid yahay midkii Sweden ay bilowday bishii May ee sanadkaan. Midowga Yurub (EU) ayaa soo saaray sanadkii 2008 amar ku wajahan in dhamaan wadamada Yurub ay bixiyaan kaarka nuucaan ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here