Finland oo joojisay in ay sharci siiso Soomaalida

Laanta Socdaalka Finland (Maahanmuuttovirasto) ayaa war saxaafadeed ay shalay soo saartay ku cadeysay in wax laga badalay aragtidooda ku aadan qaxootiga Soomaalida. Warbixinta ayaa lagu sheegay in xaalada amaanka Somalia ay soo hagaagtay sidaa darteed go’aamada magan-galyada lagu salayn doono baahida shaqsiyaadka ee aan la eegi doonin halka ay ka yimaadeen.

Arintaan ayaa la mid ah go’aankii ay Sweden horay u gaadhay oo hada lagu saleeyo go’aamada qaxootiga qisada qofku uu sheegtay. Finland ayaa shaacisay in si gaar ah mudnaanta loo siin doono dhowr kooxood oo bulshada Soomaalida ka mid ah sida dumarka, caruurta, khaniisiinta, dadka jabiya shareecada Islaamka iyo kuwa ka soo horjeesta Al-shabaab.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Finland ay isha ku hayn doonto xaalada Somalia iyo sida amaanka uu isku badalo balse go’aankaan ayaa ah mid cad oo saameyn ku yeelan doona inta badan Soomaalida iska dhiibaysa wadankaasi. Macnaheedu waa in sharciga lagu adkayn doono qofka Soomaaliga ah ee aan la imaan sheeko lagu qanci karo isla markaana aan ka tirsanayn kooxahaha aan kor ku soo xusnay.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

14 Responses

  1. laba-dile midna-udhaarte says:

    acuudu billaaah haleys fidneeyo ahaa hee, khaniisiin isku isku dhiiba ama ina diinta ka baxdeen ahaa hee kkkk waxaan aad ujeclaan laha in aan lasaaxibo tarjuumadana somalida ee interviewga utarjuma walee kuwa wax bdn dhagahooda wey uso dulqaateen, haddeysa ka darantahay, habikhleeyso

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 2

  2. laba-dile midna-udhaarte says:

    marka aan leeyahay inan lasxba rabaa kaliya shekoyinka inan ku qaxweynaa jeclaan lahaa mise sir wAaye oo interviewga lagu sheegaa ineysan qolka ka baxeyn, macbuudkoow lol ha ila yaabina waan iska war jeclahayee

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  3. laba-dile midna-udhaarte says:

    xayeeysiin time xilkasow ama xilkaseey haddii aad dooneyo in lagu xaliyo oo laga xaalmariyo interview shidan oo aad uxadreysan xaalad waalana ah xarfanta migration-kana ka yaabto xaalkaaguna uu sida uwacnaado xaanshadi sharcigana dag-dag lagugu siiyo ha-moogaan oo la xeriir xaafiska magaciisa ah interview adag oo laga yaabo kaaso ku yaala xaafada tullinge mahadsanid

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 2

  4. laba-dile midna-udhaarte says:

    qiimahu waa 50 kr kaliya haddii diidma lagu siiyo lacagtaada waa celis wlh blh tlh

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 3

  5. Fatma says:

    Bismilah horta kow magaca iska so bedel Alle aya wax dili kare waxna ku dharan karo una dharan karo inu aduunka ka wado u diilo taas intas ayan uga guudbey. Alle sharci wuu siin kara ayagon qaniis isku sheegin diintena islaamkanaa wax ka sheegin. Sharci wuxu taraayo malahane aaqiradiina ilaa shaa.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 1

  6. xitaa-qudhaansho ma-dile says:

    faatma huuno mahadsanid waan iska badalay magaci ajir iyo xasanaad Alle haka siiyo, runti taabliiqyo bdnaan ubaahanahay sidado kale haddeynu nahay dhalinta stockholm,

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 2

  7. Hasan says:

    Kan dhanaankii muxuu ahaa’ hadal xikmad leh Ku hadal ama iska aamus’ maxaa ku xiijiyay.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 5

  8. waxaan rabi kabar ya yaa in wadnkena noo hagaa jiyaa
    2 waxaan dadka somaliyed in aay isku yelin is gaa liis oo waxaan dhawaan dawa nenay dad somali masiixi ah oo diint islamka ee naxariista leh kabaxay ee doortay cadaabka kole ilaah ha soo hanuuniyo dhihima karo waayo diinta islaamka kabixid malahan soo galid waa ay leedahy marka qof islaa nimada mcan keda arkay ee ku soo bar baray asago aqli iyo garaad leh kadortay diin laga soo tagay,,,,marka waxaan dhahaya dadka hada u,han qal tagayo arintaa kafiirsada yiiysan hawo aduun idinla tagin wadamada dadka aadka logu gaaleyo ayey filand swedan Norwey kamid yihiin marka somalay rinkaan iska jiraa yeysa idinka f,iidin gaaladu wabilaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  9. Xaliimo lagu adkeye says:

    Hhhh qosol aya ledahay xita quransho ma dile hada ogan lahay ina jirto 50kr aya ku sin lahay sa interviewga igu dhisto hhh

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  10. Kulmiye says:

    Qofka webbkan lahoo ogoow waxa thy dambiile waayo waxa mar walbo niyad jabisaa dadkan masaakiinta ah ma aqaan faaidada aad ka hesho arag mowduuca sida aa u qortay iyo war bixinta sida ee tahay horena waa u arkay gaf badan aa geesatay balse ogow inee jiraan dad adiga kaa il baxsan aadna kuu fahansan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  11. fatma says:

    cajiib. dembiga iska dhaaf wayo jimcale wax xun soma qorin waxkaste saad u qadatid ayey noqonayan so marka alle halaga baaqo thanks

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  12. abi Manyoo says:

    Hhhhhhhhhh

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0