Finland oo joojisay qaxootiga Soomaalida

Laanta Socdaalka Finland ayaa shaacisay in ay joojinayaan go’aamada la xiriira qaxootiga ka soo jeeda Somalia iyo wadanka Iraq maadaama ay qiimeyn ku samaynayaan xaalada amaanka ee labada wadan. Laanta ayaa shaacisay in guud ahaan aan wax go’aan cusub ah laga gaari doonin qaxootiga ka soo jeeda labada wadan.

Qiimeynta xaalada amaanka ayaa qaasatan lagu samaynayaan koonfurta Somalia, iyadoo la sheegay in ay qaadan karto ilaa 2 isbuuc. Warbixinada ay qoreen saxaafada Finland ayaa muujinaya in ay dowlada doonayso in ay Soomaalida ku adkayso sharciyada. Ilaa hadda ayaa Finland waxay inta badan sharciga siinaysay Soomaalida ka soo jeeda koonfurta iyo Muqdisho.

Sweden ayaa horay u badashay aragtideeda ku aadan xaalada amaanka ee koonfurta Somalia, iyadoo hada ay ku adagtahay dadka Soomaalida ah in sharci laga siiyo Sweden.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

18 Responses

  1. Hasan says:

    ASC Asxaabta’ wax wara ma lahayaa oo Kasoo Kordhay 2 Sano’ Fadalan aan wadaagno hadii akhbaaraad Ku saabsan LA hayo’ Mahadsanidiin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. qaxooti says:

    Ajaanibta kale sida iran iyo afghanistan markii lagu adkeeyo sharciga waxeey isku dhiibaan gaalo iyo qaniisiin ineey noqdeen. subhanallah.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  3. ifka says:

    Hasan aboowe wax labo sana majiiran ee waxad suugta wakhtiga aay ku wacan ama adiga wac oo weeydii meshay marayso xaladada kiiska ku adaan haddii wakhtigi aad u xaraaysay rerkaga jooga Afrika laga joogo 16biil wax laba sano oo ku qabanayo ma jiiran dadkii oo dhan wa wada heelin shaarcii markii lagaray 16biil

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Hasan says:

    Mahadsanid walaashay Ifka. Alle hasoo sakhiro.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. yahye says:

    Waxad si fiican u akhridaan marka meesha ay ku qoran tahay PERIOD OF VALIDITY. ..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Hasan says:

    Yaxye waxaad Ku hadlayso maanu Fahmin’ marka qof wax soo Post garaynayo waxaa fiican in wuxuu soo qorayo iska Hubiyo in lala Fahmayo iyo in kale’ ileen wuxuu qofku wax usoo Post Garaynayaa in uu dadka LA wadaago dadkiiba hadaanay Fahmayn waa khasaare hadalkaasu ‘ wabilaahi Tawfiiq.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Cali says:

    Asc wr inte aya fiican in qofka lo dacwonayo loga xareyo uganda Iyo itoobiya qof norway joogo hadu xareynayo qof ka warhayo hadu jiro I sheeg

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Liban says:

    Maryooley filand idin diiday sweden idinka amustay norwey idin dharatay somaliland aya uga digty shavabkeda qatar uga timada somaliya maa kujirena anaga goorme wax diidena yap wallhi

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  9. Naam naash says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 3 Thumb down 9

  10. Cumer says:

    Xaasid aan waxba u ogalayn dadkiisa waar madhaxlayahow dalkii’ Ugandhiisabaa Haysta oo wuu ololayaa’ Ku ducayso allowdalkii hagaaji dheh oo umada somalida dalkoodii u hagaaji’ Jaahil wadal Jaahil’ waxa dalkii Dumiyay waakanoo Kale inta noocan jirana Ma hagaagayso Somalia’ adaan duco kuu maraynaa aad Ku hamaansato hadaad mardanbe masaakiinta Ku jees jeesto.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  11. ifka says:

    Cali abowe haku fiikirin Itoobiya in aad wax kaxaaraysato wayo marku qofkaga heelo visee aya wuu biixinaya 2000 oo dollar hadi aad biixin waaydona kamasobaxaysii itoobiya lacagta waxa kaga daran guumaysiiga galayo reerkaga xiita markad biilka diirto waxay ku qadanayan to biir meshaa wadaamada kale siida kenya ugana loga qato to dollar ee waxan kula talinaya aboowe gee reerka ugana ama kenya

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  12. yahye says:

    Period of validity
    Married couples, registered partners and common law spouses
    If you have lived with your spouse, partner or common law spouse in a country other than Sweden for at least two years, you are usually granted a permanent residence permit.

    If you have not lived together abroad, you are given a two-year residence permit, but never beyond your passport’s expiration date. In some cases you are granted a resident permit for shorter periods, but never less than one year.

    If you would like to continue living in Sweden after your permit has expired, you should submit an application for an extension of your residence permit

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  13. yahye says:

    Qofkii u baahan website immigration haka akhriyo. .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  14. Umu hanad says:

    Yaxe waad Mahadsantahay Mawduuca sidaad noola wadaagtay, waxaan Turjumay Mawduuca Yaxye inala wadaagay waayo English ayuu ku qoranyahay waxaana fiican in laisla wada Fahmo oon wax kale loo qaadan markaas kaliya waxaan Turjumay intan Yaxye soo dhigay Ma booqan Webka Migrationka waana sida Tan.

    Mudada ansaxa,

    xeerka Guudee dadka is qaba ama Lamanaaha ah

    hadii aad xaaskaaga ama Lamaanahaaga ku wada noolaydeen dal aan ahayn Sweden ugu yaraan 2 sano waxaa sida caadiga ah aad helaysaa daganaansho Joogto ah.

    Haddii aydaan ku wada noolayn dibadda ama meel Sweden ka baxsan mudo 2 sano ah waxaa sida caadiga ah lagu siinayaa 2 sano oo daganaanshiyo ah. laakiin kama baxsana xiliga Passaportkaagu dhacayo, Xaaladaha qaarkood waxaa dhici karta in aad mudadaas ka yar aad hesho laakiin Kama yara Hal sano. Hadii aad jeceshahay in aad sii wadato Ku Dhex noolaanshaha Sweden oo uu kaa dhaco daganaanshahaagu, waa in aad dalbataa Codsi si laguugu Kordhiyo wakhtiga daganaanshaha.

    Period of validity
    Married couples, registered partners and common law spouses
    If you have lived with your spouse, partner or common law spouse in a country other than Sweden for at least two years, you are usually granted a permanent residence permit.

    If you have not lived together abroad, you are given a two-year residence permit, but never beyond your passport’s expiration date. In some cases you are granted a resident permit for shorter periods, but never less than one year.

    If you would like to continue living in Sweden after your permit has expired, you should submit an application for an extension of your residence permit.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  15. Um Alwalid says:

    Ifka walaal ganaaxa itoobiya 2000 maa laga dhigay 1300 ayaan ku ogaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  16. roodo says:

    asc dhamaantiin somali weyin umu all waliid ganaxa itobiya waaa1300 waxba laguma darin lakiin sandka cub inshaa allaah waa la kordhinyaaa ilaahy somali ha u gar gaaro iyo muslimiinta dhamaan melkasty jogaan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  17. Om manaal says:

    Asc wa rahmatu Allah wa barakatuh dhamaan soomaali ween, waxaan u baahanahay in cidi igu dhaanta wax iiga sheegtaan dhawaan ayaan sharciga wadankan sweden helay, gabar yarna wadanki waa uga imid waana kaligeed dacwad baan rabaa inaa u xareeyo, halka hada fudud Ethiopia Kenya iyo Uganda talo in aad igu siisaan idinkoo mahadsan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0