Finland oo laga yaabo in ay adkeyso mideynta reeraha Soomaalida

Mideynta reeraha Soomaalida ee Sweden ayaa guud ahaan joogsatay sanadkii la soo dhaafay iyadoo laga yaabo in wadadaas ay qaato dalka dariskeena ah ee Finland ka dib go’aan laga filayo dowlada sida ay qortay warbaahinta YLE ee ka soo baxda Finland.

Finland ayaa waqtiga hada la joogo waxaa ka furan mideynta reeraha Soomalida balse sida ay sheegtay Heikki Taskinen oo ka tirsan Laanta Socdaalka Finland waxay u badantahay in Finland ay raaci doonto wadada Sweden. Ka bilaabatada sanadka soo socda ayay qasab noqoneysaa qofka doonaya in uu reerkisia keeno Finland in ay reerka codsiga ka soo sameeyaan dibada Finland.

In Finland ay soomaalida ku xiri doonto in ay cadeeyaan aqoonsigooda inta aan codsigooda la eegin sida Sweden ay sameyso ayaa ku xiran go’aanka dowlada balse qaar ka mid ah xubnaha dowlada ayaa ku baaqaya in la adkeeyo mideynta reeraha Soomaalida. Jaaliyada Soomaalida ee Finland ayaa sheegtay in ay rajeynayaan in dowlada aysan qaadi doonin wadada Sweden waloow ay u muuqato in ay sidaas ku socoto.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

2 Responses

  1. muuqasho says:

    aniga waxay iila muuqataa in naloo gartay inaan wadaniyiin ahayn oo aan ka jeclaanay wadamadeena reer Ýurub iyo America marka ooyinteena xataa hoos ayay ugu farxayaan dalkeenana anagaa iska duminay anngana ayaan dhisan karno inkastoon ognahay in gacan shisheeye meesha ka marneen hadey shacabka isku xiran yihiin waa aay hagagaysaaaa qaxuna waxa uu noqday mid aan dhamaan allow dhibka nagadul qaad adaa awood badan leh soomaliyeey tasho waa latashadaye qayr badan aan idiin dhaafaa wabilaaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. ABDI YARE says:

    Asc dhaman asxabta mida kale waxa modaa in al baab walbo so xirmayo inkasto kii ALLE furanyahay Awal waxa raja beshay Denmark.. shalay sweden manta waxan sugnaa wa filand waxa haray ayaa iska yar norway ayada warkeda wa iska cadaa ninkii shaqesta ayaa wax kensan karo Hollan lafteda waa xumatay kam ayaa rejact lesku siiyaa waxoga bila ah aya germany furnaa asna wa adkeeyay france awalba waxay qimesaa wadama ay gumesato marka waxan dhihi lahaa somaliyey dhaqanka aan badalno wax walbo anaga ay nagu xiranyihiin aan ka muqano meelaha shaqada wax barashada aan yelano 1jaaliyad weyn isku xiran oo 1 moqif ah leh aan iska deeno qabyaalada iyo is goboleesiga alla barigana aan badani sido kale somalida cusub waxan u haayaa fursad qorshaha marku so dhamado ayaan u so gudbinaya insha allah mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0