Finland oo soo rogtay in doomaha dalkaasi aada la baaro rakaabka aqoonsigooda

0

Weerarkii mindi ee ka dhacay  Åbo ee dalkaasi Finland, waxaa haataan dowladdu soo saartay go’aan lugu adkeeynayo amaanka. Doomaha iskaga kala goosha magaalooyinka Stockholm iyo Åbo oo Finland ah ayaa waxaa lugu soo rogay baaritaano lugu baarayo dadka aqoonsigooda.

“Waxaan sameeneynaa baaritaan 100% ah oo la xirriira xagga aqoonsiga rakaabka raacaya doonta ka hor, waxaana ka jirna marxalad ay arrintaasi qasab tahay in la aqabalo” ayuu yiri  Janis Pavlus oo ah daaraktar-ka xagga isgaarsiinta u qaabilsan shirkadda doonta ee la yiraahdo  Tallink Silja, isagoo misna hadalkiisai ntaas ku daray in markaba lugu magacaabo Baltic Princess uu qaado rakaab gaaraya  2.800 (labbo kun iyo sideed boqol), markabkan oo xilliyadda uu baxayo aan wax is badal ahi ku iman sharciga cusub ee xagga amaanka lugu sugayo la soo rogay. Markabkan oo ah mid isna hoos taga shirkadda Tallink Silja.

Dhinaca kale dhamaan doomaha kale ee iyagana taga ama ka baxa magaaladda Åbe ee dalkaasi ayaa xaaladda lugu soo rogay waxaa ay tahay mid aan la ogeyn tan iyo inta ay soconeeyso. Booliska Iswiidhana waxaa ay dhibnacooda isha ku heeyn doonaa rakaabka u soo kicitimaya magaaladda Stockholm.

Ugu dambeyntiina waxaa shalay gelinkii dambe nin dad mindi ku weeraray magaaladda dekadda ah eeÅbe ee dalkaasi ku dilay labbo ruux iyadoo dad kale uu ku dhaawacay. Falalkan ayaa ah kuwo 24 saac ee ugu dambeeyeyqeyb ka ahaa weeraro qorsheeysan oo ay kooxda Daacish kuqaaday magaalooyin ku yaala qaaraddan Yurub.

Somaliska.com-Göteborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here