Finland: Soomaali argagixiso loo soo xiray

5

Booliska dalka Finland ayaa soo xiray gabadh iyo wiil Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in ay taageerayeen argagixiso. Ninkaan oo sanadkii 2005 soo galay Finland ayaa la sheegay in lacago badan uu u diray Xarakada Al-shabaab isla markaana uu hal qof ku qalqaaliyay in uu fuliyo weeraro argagixiso sida ay qortay wakaalada wararka ee Finland YLE.

Gabadha la soo xiray ayaa la sheegay in ay sanadkii 2008 timid Finland oo xiriir ka dhexeeyo iyada iyo ninka la soo xiray. Booliska ayaa sidoo kale booqday xawaalado Soomaalidu leedahay iyagoo la wareegay dokumentiyo iyo kombutaro.

Booliska ayaa sheegay in ay raadinayaan dad badan oo ku lugleh arintaan oo qaarkood ku nool yihiin dibada Finland.

Bilowgii bishaan ayay ahayd markii 4 nin oo 3 Soomaali yihiin lagu xiray magaalada Göteborg oo lagu eedeeyay in ay weerar argagixiso maleegayeen. Raggaan ayaa mid la siidaayay halka intii kale xabsiga ku jiraan oo aysan wali maxkamadi xukumin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here