Finland: Xiisad colaadeed oo ka taagan tuulo ay Soomaalidu ku badatay

3

Xiisad colaadede oo salka ku haysa cunsuriyad ayaa ka dhalatay tuulo lagu magacaabo Lieksa ee dalkaasi Finland. Xiisadaan oo ka dhextaagan Soomaalida iyo dadka deegaanka ayaa dhalisay in wiil Soomaali ah midi lagu dhaawacay halka mid Finnish ah sidoo kale wax la gaarsiiyay. Xiisadaan ayaa ka dhalatay ka dib markii la sheegay in hadalo been abuur ah laga faafiyay Soomaalida oo la sheegay in ay qaataan lacago taageero ah oo fara badan isla markaana dowladu ay siiso adeegyo dheeri ah oo aysan helin dadka deegaanka.

Dhalinyaro ka tirsan kuwa deegaanka ayaa bilaabay falal cunsuriyad ah oo ka dhan ah soo galootiga iyadoo hada Soomaalidu ay sheegeen in ay la soo daristay cabsi weyn. Tuuladaan oo ay ku nool yihiin shacab gaaraya 12000 ayaa waxaa soo dagay 220 Soomaali ah taasoo keentay in ay aad uga dhexmuuqdaan shacabka.

Booliska ayaa sheegay in xiisadaan ay tahay mid ay horey u arkeen bilowgii sanadkii 1990 iyadoo dadku ay qaateen shaki been ah oo ka dhan ah soo galootiga. Gudoomiyaha jaaliyada Soomaalida ee magaalada Lieksa oo lagu magacaabo Muqtar Moalin Nuur ayaa sheegay in uusan isagu la kulmin wax cunsuriyad ah isla markaana kuwa dhibaatada ku dhacdo ay yihiin kuwa kalaabyada aada.

Tuuladaan oo la sheegay in sanadihii dambe ay shaqo la’aan baahsan ka jirtay isla markaana dadku ay bilaabeen in ay ka guuraan ayaa waxaa kor shacabkeeda u qaaday Soomaalida cusub oo halkaasi soo buux dhaafisay taasoo keentay in si weyn looga dareemo jookitaankooda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here