Forex waa bankiga kaashka laga helo

Iyadoo bankiyada Sweden ay inta badan bilaabeen joojinta kaashka isla markaana ay yareeyeen xiriirka u dhexeeya macaamiisha iyo shaqaalaha, ayaa Bankiga Forex waxay raaceen waddo kale taasoo ah in ay fureen 130 xarumood oo ku yaala wadamada Nordiska isla markaana ay yihiin kuwo doonaya in ay bixiyaan oo qabtaan lacagta kaashka ah. Inkastoo dad ay u yaqaanaan Forex goobta lacagaha laga sarifto ayay hadana ilaa 2003 ahaayeen Bank dhamaystiran.

“Waxaan ku kaftanaa in aan nahay bankiga kaashka haya. Waqtigii hore waxay ahayd in dhamaan bankiyada laga heli jiray kaashka balse hada qaar badan ayaa joojiyay isticmaalka kaashka. Qabashada kaashka ayaa ka mid ah adeegyadeena ugu muhiimsan, oo waxaan ognahay in dad badan ay doonayaan in ay adeegyadooda lacagaha ka samaystaan xarumaha bankiga, halkaasoo ay kula kulmaan shaqaalaha. Waxaan diyaar u nahay in aan ka caawino macaamiisheena wixii su’aalo ah ama lacag dhigasho ama qaadasho ah “ ayay tiri Sara Geranpayeh, oo ah agaasimaha xarunta Forex Bank ee xaafada Tensta.

Si la mid ah bankiyada kale, ayaad Forex Bank waxaad ka dalban kartaa kaarka lacagaha, furashada Koontada, daymaha, iyo bixinta biilasha. Marka aad ka mid noqoto macaamiisha Forex Privat ayaad helaysaa adeeg lacag la’aan ah. Oo aan lahayn qarash sanad walba layska qaado. Taasoo ay sii dheertahay in aad adeegaaga ka fushan karto internet ama mobilka.

“Waxaan doonaynaa in aan macaamiisheena siino xoriyad doorasho. Si la mid ah bankiyada kale ayaad adeegyadaada Forex ka fushan kartaa internetka balse haddii aad doonayso in aad la kulanto shaqaalaheena oo hawshaada aad ka fushato xarumaheena soo dhawoow. Xafiisyadeena waxaad kula kulmaysaa shaqaale ku hadla dhowr luuqadood, taasoo ka mid ah in aan macaamiisheena u samayno hawl fududayn.” ayay hadalkeena ku soo afjartay Sara Geranpayeh.

Xarunta Bankiga Forex ee xaafada Tensta oo muddo xirnayd ayaa hada dib loo furay. Wixii faahfaahin dheeri ah ee ku saabsan Forex iyo adeegyada ay bixiyaan waxaad ka heli kartaa bogga: www.forex.se

FG: mowduuc waxaa suurto galiyay Forex Bank. 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. abdinasir says:

    Asc. Jimcaale waxaan rabay inaan wax kaa weydiiyo bangiga Forex ee aad mowduca ka qortay.
    waxaad tiri ribo badan ma saarno. Ribada yaraan iyo weynaan ma gashaa? Ribada inay xaaraan tahay ayuu ilaahay noo sheegaya yaraan iyo weynaan nooma sheegi waa sidee.

    Wabilaahi towfiiq

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  2. shariifka says:

    sc Mahadsanid Abdinasir! su’ashan weydiin lahaa adaana qaatay ee waxaan kudarayaa in laxayeysiiyo ayaaba danbi kugu filan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. Abdi says:

    wcs abdinasir hadaan su’asashada ka dhiibto fikirad aniga waxey ila tahay ribada aad ka hadleesid misa tan oo Jimcaale soo qoray! Waa tan mar walbo laga qaato qofkii bank koonto leh sanidkii mar misa 6bilood mar waa hadii aad leedahay waxeena ula jeedaan waa kirada bank kontada.. tusaale ahaan aniga hada waxaan leeyahay swedbank waxaana la iga qaataa 6bil kasta 250kr…. teeda kale hadii aadan rabin ribo maxaad ka soo doontay wadan gaal kkkkkk waa iga kaftan sxbow wabilaahi toqfiiq..

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  4. Abdi says:

    Wabillaahi Towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Abdinasir says:

    Asc! Waa idin salaamay Shariif iyo Cabdi
    Sida aad fikirka uga dhiibateen Shariif sxb Waa runtaa in la xayeysiiyo ayaaba xaaraan ah. Cabdi lacagta st Swedbank kaa qaadato Waa qidma ma aha ribo saasna Jimcale uma sheegin.
    Wadan gaalana Waxa na wada keenay waa wada ognahay Hadaan nimidna macnaheeda ma aha waxay sameeyaan aan sameeyno ee ilaahay wadankeena nabad ha nooga dhigo kaftanka Waa caafimaad waxba uma arko

    Wabilaahi toowfiiq

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. indha jaceyl says:

    Asc aqyaarta maxaa idinka qaldan beenta aad sheegeysaan waabad iskaga marqaati keceysaan miyaa qoraalka sifiican u aqriya marka hore goormow qoray ribo qarash lowba qoree qarashna waa qidmada ama kirada koontada ee u fiirsada waxa aad ku hadleysaan tan kale ma qaldame waa ILLAH walaalayaal hadan qalad idinka galay iga raali ahaada

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0