France: Wargeys soo daabacay kartoono cusub oo nabiga (scw) wax looga sheegayo oo xafiiskiisa la gubay

4

Wargeys ka soo baxa dalkaasi Faransiiska oo lagu magacaabo  Charlie Hebdo ayaa xafiiskiisii dab la qabadsiiyay ka dib markii ay qorsheynayeen in ay soo daabacaan cadad ay sheegeen in uu nabiga (scw) tifaftire ka yahay halkaasoo ay ku soo sawireen kartoomo lagu maadeysanayo nabigeena suuban (scw) iyo shareecada Islaamka.

Xafiiska wargeyska ayaa waxaa lagu tuuray shidaal ka dibna dab ayaa qabsaday oo waxaa gubtay dhamaan wixii agab yaalay gudahiisa. Arintaan ayaa dhalisay dood balaaran oo ku saabsan xoriyada saxaafada iyo diinta. Wargeyska ayaa lagu eedeeyay in uu daandaansi ku haayo Muslimiinta iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay ee ay soo daabacaan sawiro nuucaan ah.

Dowlada Faransiiska ayaa taageertay ficilada wargeyska iyaga oo hada ku daba jira dadkii geystay weerarka. Waxaa sidoo kale la jabsaday bogga internetka ee wargeyskaasi uu leeyahay. Si kastaba ha ahaatee ficilada wargeyska ayaa waxaa cambaareeyasy qaybo ka mid ah bulshada Faransiiska qaasatan Muslimiinta wadankaasi.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here