Gaari xaamul ah oo dad ku laayey magaaladda Stockholm ee caasimadda Iswiidhan

3

Maanta gelinkii dambe ayaa qof aan heeybtiisa la garaneeyn waxaa uu gaari xaamul ah dad ku jiiray magaaladda Stockholm ee caasimadda dalkaan Iswiidhan. Dhacdadaan oo ka dhacday faras magaaladda gaar ahaan agagaarka suuqa weyn ee caanka ah ee Ã…hlens City ayaa waxeey aheyd goob si weyn looga dukaameeysto kuna badan socodka dadka.

Gebi ahaan waxaa la xiray dhaq dhaqaaqa gaadiidka ee dhulka hoostiisa maraya iyo basaska ka howl gala magaaladda. Waxaa sidoo kale la xiray dhamaan gaadiidka soo gala magaaladda caasimadda.

Weerarkan ayaa wararkii ugu dambeeyey waxaa ku dhintay afar ruux, halka ay ku dhaawacmeen labbo iyo ruux. Booliska oo galabta shantii galabnimo qabtay shir jaraa’id ayaa soo bandhigay shaqsi loo maleeynayo inuu ka dambeeyo kaasoo oo haatan lugu raad joogo. Waxaa sidoo kale la qabtay labbo ruux hase ahaatee ay boolisku sheegeen ineeysan shaqo ku laheyn dhac dhacdaan oo baaritaan ay tahay.

Ra’iisal wasaaraha oo ka baaqday shir ka dhaci lahaa magaaladda Göteborg, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay maanta gelinkii dambe waxaa uu sheegay in “In Iswiidhan la soo weeraray, wax u eg fal argagaxisana ay dhaceen” Wuxuu sidoo kale sheegay in hey’adaha dowladda lugu war galiyey dhamaantood islamarkaasina ay dowladda taageero ka geeysaneeyso. Ugu dambeyntii inkastoo ay booliska shaaciyeen shaqsi la tuhmayo sawirkiisa, hadana weli waxaa lugu raad jooga dambiilaha falkaan ka dambeeyey.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here