Gabadh Muslim ah oo ku jirta dadka ku guuleystay bilada Nobel Peace Prize

Dadka ku guuleystay bilada Nabada ee Nobel Peace Prize ayaa maanta lagu dhawaaqay iyadoo dhamaan dadka ku guuleystay ay yihiin haween. Bilada ayaa waxaa ku guuleystay Ellen Johnson Sirleaf oo ah madaxweynaha wadanka Liberia, Leymah Gbowee oo iyaduna ka soo jeeda Liberia iyo Tawakkul Karman oo ah haweeney Muslimad ah oo u dhalatay Yemen.

Haweenkaan ayaa wadaagi doona lacagta bilada Nobelka oo gaareysa 1.5$ milyan oo dollar. Haweenkaan ayaa lagu amaanay dhaqdhaqaadooda nabadeed ee ay ku raadinayaan xuquuqda dumarka.

Ellen Johnson-Sirleaf ayaa ah haweeneydii ugu horeysay ee Afrika ka noqota madaxweyne. Halka Leymah Gbowee ay ka qeyb qaadatay joojintii dagaalkii sokeeyo ee Liberia iyadoo uu abaabushay Dumarka. Tawakkul Karman ayaa iyaduna waxay qeyb weyn ku leedahay kacdoonka ka socda Yemen ee looga soo horjeedo Cali Cabdalla Salix.

Haweenkaan ayaa bilada la gudoonsiin doonaa 10-December waqtigaasoo ku beegan taariikhdii uu geeriyooday Alfred Nobel oo aasaasay biladaan sanadkii 1895.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. war cusub oo soo saartay Amnestn says:

    asc asxaabta ku xiran somaliska salaanta islaamka kadib Dood kulul ayaa dhex martay xisbiga Milj?partiet iyo dowlada iyadoona xisbiga cagaaran uu aad u weeraray dowlada Sweden taa oo ka dhalisay dowlada sweden dhexdeeda dood soo dadajin karta Caruurta Soomaalida ee ku nool Afrika ee walidkoodna heystaan sharciga wadanka Sweden Milj?partiet ayaa soo jeediyey in la fiiriyo Caruurtas Soomaalida laguna xujeen Basaboor shaqeeya buu yiri madaama Soomaaliya laheen dowlad dhexe oo awooda in ay xakameysa Basbaoorkeeda

    Milj?partiet iyo dowlada ayaa eegayo war bixinta ay ka diyaarisay caruurta Soomaalida Amnestn ee gaajada dileyso iyadoona taa dood xoogan ka keentay in loo dadajiyo Caruurta Soomaalida ee macluusha u dhimnaayo walidkooda sharciga ku leeyihiin Xaalada ayaa moodaa in ay wax badan iska badali doonaan loona dadajin doono sida lagu keeni lhaa caruurtaa Soomaalida ee walidkood sharciga ku heystaan wadanka Sweden

    Sharciga Sweden ayaa dhigayo in qofka Fiisaha la siiinaayo oo Sweden soo galaayo ay heystaan Basbaoor Sax ah si loogu dhufto dal ku galka wadanka Sweden taa oo Soomaalida u suurta galineynin madaama caalamka aqoonsaneen Basaboorka Soomaalida ee wadooyinka lagu kala iibsanaayo

    Dooda ayaa lagu soo qaatay in Soomaalida ay dhib ku qabaan aqoonsi laanta dalkooda taana waxay keentay baa lagu yiri in ay kuwayaan xaquuq badan oo la hayeen
    Halkaan ka daalaco war bixinta ka hadleysa caruurta Xiliyadii hore waxaa Soomaalida u fududeen jiray wxaada socdaalka wadanka Sweden kuwaa oo siin jiray Soomaalida fr?mlingspass laakiin maanta taa way socon weyday waxaana jira sharci Barlamaanka Sweden isku raacay oo diidayo shaarcigaa horey u jiray

    War bixinta ayaa qeexeysa Sanadkii 2009 Soomaalida la siiyey sharciga Sweden lagu sheegay 4 767 oo Soomaali ah iyadoona waxii xiligaa ka danbeeyey Soomaalida loo diiday sharcigaas ay garayaan 1000 qof oo u badan Caruur

    Sharcigaan la badalayo Soomaalida loogu fududeynayo ayaa siweyn waxaa uga soo horeedo xisbiga cunsuriga ee la yiraahdo Sverigedemokraterna kuwaa oo diidan in wax laga badalo arimaha soo galootiga

    Xaalada ayaa waxaa horey loogu ogoladay in Soomalida caruurtda ka maqantahay loo fududeeyo 2012 bisha Julay iyadoona taa ay siweyn uga soo horjedaan Amnesti oo sheegtay in xiligaa ay san sugi karin caruurta Soomaalida la keenaayo wadanak Sweden kuna baaqday in laga soo hor mariyo xiligaas madaama Soomaalida caruurtooda ay heysato Abaaro xoogaan oo keeni karo in ay gaajo u dhintaan war bixintaan waxaan ka soo guuriyey joornaalka ugu afka dheer wadanak Sweden .Aftonbladet.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

    • Cali says:

      War lagufarxo sxb soo ogaaw ilaa july lagasoo hormariyo oo lagu guuleesto july kahor thanx jimcaale adna ku aawayhee warkaan inaad soo ogaato rabnaa adiganeh

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. HASSAN KAAMILL says:

    Mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. sara says:

    somalia in aay laga joojiyo dagaalka iyo dhibka

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. abdiasis says:

    s.c.w sxb qofkaan war cusub sheegaaya waxbaa ka khaldan .
    meeshaan waxaa looga hadlaayay dad ku guulaystay billad ee loogama hadlaynin war cusub oo ay soo saartay sweden . malaha adiga kurbadaas umbaa kugu taagnayd ee maadanba fiirinin waxa uu ku saabsanyahay meesha aad faalada ku qorayso . kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk. meeqa carruur ah ayaa kaa maqan sxb . allaha kuu soo sahlo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. Mo Amiin says:

    Akhayaarta mustaqbalka waxaan rabaa inaan helo Nobel Peace Price dib u heshiisiinta shacabka Sweden 2025 insha Allah.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0