Gabadh Muslim ah oo lagu qasbay in ay hilib doofaar cunto

3

Gabadh ku nool kamuunka Finspång ee gobolka Östergötland ayaa sheegtay in lagu qasbay in ay dhadhamiso hilib doofaar ka dib markii ay ku biirtay koorso lagu baranayay cunto karinta. Gabadhaan ayaa sheegtay in lagu amray in ay hilibka dhadhamiso ka dibna iska tufto balse arintaas ayay ka biyo diiday taasoo keentay in ay sii wadi wayso koorsada.

Gabadhaan oo koorsada ay u dirtay Laanta Shaqaaleynta (Arbetsförmedlingen) ayaa dacwo u gudbisay xeer ilaaliha ka hortaga cunsuriyada (Diskrimineringsombudsmannen – DO) iyagoo xukmiyay in gabadhaan la cunsuriyeeyay. DO ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in gabadhaan arinteeda ay maxkamad la tagaan balse ay waqti siinayaan Laanta Shaqaalaha in ay soo bandhigaan dhinacooda.

Gabadha ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay go’aanta DO, iyadoo dhowr bilood ka dib markii ay joojisay koorsada  shaqo ka heshay maqaaxi. DO ayaa la filayaa in ay xukunto in gabadhaan la siiyo lacag magdhow ah.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here