Gabadh Muslim ah oo wasiir ka ah Sweden oo la qabtay iyada oo cabsan

Gabadha lagu magacaabo Aida Hadzialic oo noqotay gabadhii ugu horeysay ee Muslim ah ee wasiir ka noqota Sweden, ayaa isbuucaan waxaa la soo daristay fadeexad weyn oo ku qasabtay in ay iska casisho xilkeedii. Wasiirada ayaa sheegtay in ay magaalada Copenhagen uga qeybgashay bandhig faneed, halkaasi oo ay ku cabtay qamri.

Ka dib ayay baabuurkeeda soo kaxaysatay, iyadoo ay boolisku qabteen oo markii la cabiray qamriga jirkeeda ku jira ay cadaatay in uu ka sareeyo heerka la ogolyahay in baabuur lagu wado.

Wasiirada yaaa hadda durbadiiba lagu qasbay in ay iska casisho xilkeeda ka dib markii ay wadahadal la yeelatay raysal wasaaraha, iyadoo warbaahinta u sheegtay in ay samaysay qalad weyn oo ay qaadatay masuuliyadeeda.

“Waxaan galay qaladkii ugu weynaa ee noloshayda.” ayay tiri Aida Hadzialic.

Aida Hadzialic ayaa ka soo bilaabata doorashadii sanadkii 2014 waxay ahayd wasiirka Dugsiyada sare iyo kor-u-qaadka aqoonta. Waxay asalkeeda ka soo jeedaa Bosnia.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

5 Responses

  1. Saafi says:

    Waa yaabe walaahi. Muslimad aa iyo khamro aa.laakiin waxa umaleyna gabar kale oo moderaterna ka mid eheed oo modoow sh ayaa jiri jiraay magaceed ma xasuusto wasiir ee a han jiraay muslimadana wey eheed

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. Bile says:

    Hhhhhhhhhhhhhhh waba sheko igu cusub wa muslim & qamri hhhhhh mugo adileeee waye

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Waa caadi khamri muslimska oodhan ayaa Caba aanka ahayn somali.
    Turkiet waxaa loocabaa khamriga sida shaaha Iyo Kaffe GA ookale.
    Naagtaan Bosnianka Ee cayda muslimka Waa Iska caadi khamrigeeda, waxaana lagaheley dhiigeeda 0.2 promille halt.i blodet.
    Dad ayada KU kacsan ayaa Jira siyaasada,
    Laakiin groupka cunsurigaa oodhan ayada ayay lajiraan.
    Akhrista kommentarerka shaashada.

    *http://avpixlat.info/2016/08/13/aida-hadzialic-avgar-anklagas-for-att-vara-alltfor-integrerad/

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  4. luul says:

    asc
    nuuc mana islaam ayey tahay hadii ey sidaan u qaawan tahay qamro ayey cabtaana la leeyahay islaanimada ma midey dhaxal ku heshaybaa macnaha aabahey iyo hooyadey baa islaam ahaa dad dhahan maqli jiray mise afka un bey ka sheegataa wax calaamad islaam ah ma heysee ilaahey ha soo hadeeyo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. Wadani says:

    Waxaa laga yabaa in laqalday qaladne

    wadhacaa. Tankale ee ah wa muslim

    wanacabsatahay. Layaab malahan dadka

    Dhan afka ayeey muslim noqdeen lakiin

    Wax muslim ah majiraan. Somalida bas

    ayaa wali xishoodka Ku dambeyaa

    Ayakane wadada ayeey ku soo jiraan.

    Allah somalida soo hanuuni.

    Hanoolaato.

    Soamalia.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0