Gabadh Muslim ah oo wasiir ka ah Sweden oo la qabtay iyada oo cabsan

5

Gabadha lagu magacaabo Aida Hadzialic oo noqotay gabadhii ugu horeysay ee Muslim ah ee wasiir ka noqota Sweden, ayaa isbuucaan waxaa la soo daristay fadeexad weyn oo ku qasabtay in ay iska casisho xilkeedii. Wasiirada ayaa sheegtay in ay magaalada Copenhagen uga qeybgashay bandhig faneed, halkaasi oo ay ku cabtay qamri.

Ka dib ayay baabuurkeeda soo kaxaysatay, iyadoo ay boolisku qabteen oo markii la cabiray qamriga jirkeeda ku jira ay cadaatay in uu ka sareeyo heerka la ogolyahay in baabuur lagu wado.

Wasiirada yaaa hadda durbadiiba lagu qasbay in ay iska casisho xilkeeda ka dib markii ay wadahadal la yeelatay raysal wasaaraha, iyadoo warbaahinta u sheegtay in ay samaysay qalad weyn oo ay qaadatay masuuliyadeeda.

“Waxaan galay qaladkii ugu weynaa ee noloshayda.” ayay tiri Aida Hadzialic.

Aida Hadzialic ayaa ka soo bilaabata doorashadii sanadkii 2014 waxay ahayd wasiirka Dugsiyada sare iyo kor-u-qaadka aqoonta. Waxay asalkeeda ka soo jeedaa Bosnia.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here