Gabadh u dhalatay qoyska boqortooyada Sweden

Habeenkii khamiista ayaa waxaa gabadh u dhalatay qoyska boqortooyada Sweden qaasatan gabadha dhaxal sugaha ah ee Victoria iyo seygeeda Daniel.

Gabadhaan yar ayaa noqoneysa ilmihii ugu horeeyay ee reerka boqortooyada u dhasha mudo 30 sano ku dhow iyadoo ay aad u soo dhaweeyeen dadka Sweden oo aad u jecel reerka boqortooyada. Waxaa loo riday madaafiic markii la keenay guriga boqortooyada.

Victoria ayaa ah qofka ugu horeeya ee sugaya dhaxalka in ay noqoto boqorada Sweden marka aabaheed uu dhinto ama uu iskiis u wareejiyo. Ka dib Victoria ayaa waxaa dhaxalka boqortooyada iska leh gabadha yar ee isbuucaan dhalatay.

Inkastoo Sweden ay tahay wadan dimoqraadi ah ayaa hadana waxay aad u jecelyihiin reerka boqortooyada oo aan wax awood siyaasadeed ku lahayn dalka balse loo isticmaali magac iyo soo jiidasho. Boqorka ayaa u safra caalamka si uu kor ugu qaado magaca dalka Sweden.

Boqorada yar ayaa loo bixiyay magaca Estelle Silvia Ewa Mary.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

23 Responses

  1. ifka says:

    wan ku faraxsanahay xita haddi aan nahay somalida ku dhaqan sweden noqo tiiso barbarta weeynow

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 5

  2. Var Kännor ( Student) says:

    Run ahaantii aragtidaydu :- Wax qiimo ah ilama lahan u Tahniyadaynteeda – Sabatuna waa imisa ayaa ilmo Muslimiin yar yar ku dhimanaa , Daawafa Dunida Islaamka gaar ahaan Dalkeenii Soomaaliya.

    Kuweenii ayaa Abaar u le’anaya :-

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

  3. Dahir suge says:

    Midan wadato magaca ifka ha naceebaynin,xag din iyo xag damirbo.wali qof somali ah o u hanbalyayni ilmo 2 gaal dhaleen waxa lashega mucamar alqadaafi o wil ugandis ah u hanbalyeeyay,kadib dhalecay kala kulmay islamka,marka kanoqo walal,Ilma dhashay o 2 gaal iska dhalen tahniyadisa waxa iga wanagsan kuwan muslimka ah hadana isku af isku dal iskudhiga aan nahay hadana gajada udhimani inan umurugoono,as

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  4. Jimcale says:

    Soo lama dhihin ilmuhu waa Muslim marka uu dhasho? Soo qalad ma ahan in ilmaha sakhiirka ah lagu tilmaamo gaal. Ilaahay ayaa hanuunka hayo waxaa laga yaabaa iyada oo reer boqor Sweden ka dhalatay in uu ilaahay Islaamka ku soo hanuuniyo. Marka yaan lagu degdegin in la gaalaysiiyo ilmaha sakhiirka ah.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 0

  5. shako inadaw says:

    asc walaalayaal dhamaan tiin waan idin salaamay salaanta islaamka kabacdi walaalyaal saqiir oo dhan wuxuu ku dhashaa muslim waana laga fiican yahay inaan saqiir wax kasheegno laakiin waxaaba ka fiican inaan iskaga aamusno maxaa yeelay u hambalyeeyntuna waxba soo kordhin mayso.marka waxay ila tahay in leskaga aamusoon waqtiga leeskaga lumin

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  6. Magaca...suleqo says:

    Walal jimcale ad ayad umahad santahay madama ad runta ushegtay cida walabo o wexey donto iskaso qoreso

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  7. Abdi says:

    Somalida wax badan ka qaldan canug yar oo u dashay qof ad garanayso Muslim AMA gal waxad ledahay hanbalyo qaladne mahin maxa wax Wayn loga dhigaya

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  8. ifka says:

    gabadhan waxay ka dhalatay reerki kugu sodhaweyay sweden marka waxan u rajeyneyna nooli ragta iyo barwaqo rabina haka dhigo tii qadata tiinta islamka aa miiiiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  9. najma says:

    asc dhamaan walaalha qaligaa ee somaaliyeed salan kadib ilmaha yar haduu dhinto intaanu qangarin ma aha gaal mida kale sweden boqolkiiba 80 maba haystaan wax madhab ah gal walaa muslin lakiin anugu runtuu sweden aad ayaan unecbaystay walaahi sanadahan dane waayo waxa aad ii dhibaysa sida ay ula dhaqmeen somaalida dhibaatesan oo u midayn wayeen reraha somaaliyeed magacooda walaahi wan karhaday ilaahow dalkeenii nabad nooga dhig aamiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Vra kännor ( Student ) says:

    Jimcaaloow , hadalkaaga waa saxsanyahay , marka laga eego dhanka Fitrada Diinta Islaamka – lkn taa manoo fasaxayso inaan ugu Hanbalyayno u Dhalashada Caruurtooda , markeey kuweena ku laynayaan Daafaha Dunida

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  11. Dahir suge says:

    U hanbalyaya mantana waxa wil udhashay malez anaga iyo gaal waxbo nagama dhexeyo saqir danbi malahan,o nbiga yiri danbi malahan walidkisa aya yuhud ama majusi kadhigo,marka aan u hanbalyeyno waxbo idin matarayso e gaalo iskaga hara,jimcale media iyo webka dadka ha ogusamaynin waxa ay oguyeraan misleading,ifka u hanbelyee kuwa ay dhalen 2 islam ah,iskana ilow malin fulan ayu gaal igu so dhaweyay mel fulaan,hadi kale waxa idan qabsani alxadith manshabaha qowmun fahwa minhum,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Abdi mohamed says:

    Walahi aniga waxbo ma aqano balse maficno kristan u hanbalyeenti,wa aragtidayda,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Wajeeha says:

      I can sympathize with you. We will be moinvg in the next month and I too cannot believe all the stuff! Books are very heavy; I agree. Good luck in your new home.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. dhanka saxda ah says:

    WAXAAN TAAGEER SANAHAY RAYIGAA JIMCAALE, YARTAA VARA KÄNNOR, WAXAAN ODHAN LAHAA KALA SAAR DIINTA IYO DIMUQRAADIYADA, ADUU HADANAD U HANBAL YEYNAYN ANAGAA U HANBALYEYNAYNA, SOMALIDA DAFAHA DUNIDEEDA BALAN BALAYANA DE QAYB ILAHAY BAA KU DHACDAY IYO WAX, AY U GEESTEEN DADKA SOMALIYEED KUWANA IYAGAA, TOOSISTAY DALKOODII, MARKAA WAYAHAAGA IYO DIINTAADA LAABTA KU HAYSO. DHANKA KALE SOMALIDU DIINTA SI KHALDAN AYEY U FAHAN SAN YIHIIN WALAHI WAAR GAALKA ILAHAYBAA ABUURAY DE, MA SAMADAY KA YIMADEEN IYAGU, WADANKOODA AYAAD JOOGTA MALINKALIYA MUSLIN KUMA YIDHAAHDAAN, GAALO GAALO AYAAD LEEDAHAY. HÅLLA KAFTEN VIVAN.
    GRATIS AYAAN LEENAHAY.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Ibraahim says:

    Waan idin salaamey somalida meesha ku murmeeysa

    Walaal hawshaan mid idiin taala maaha, Cunugtuna reerkeeda ayey u dhalatey hadaad hambalyeeysana ma gaareyso, markaa ha ku wareerina. MIda mideenta reeraha, somalidu wexey dhahdaa moos ayaa moos qurmiya, markaa waad ogeydeen sida somalida loo soo qaadi jirey hada ka hor. markaan xaalkii ganacsi ka dhigney ayeey fashilantey arintii. kii sweden nacay haduu haysto meel u dhaanta hada ha aado, kii dani ku qasabtena ha iska joogo.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. Dahir suge says:

    Sxb wax din iyo dimuqradi lakalo dhaho maba jiran,dimuqradiyad dinta ayan u aminsanahay,blse ibrahim hadalkisa wa sax 100 hanbalyo hadad udirtan magarayso marka waxan fahmi wayay gabar aya dhalataye tahniyad udira,jimcale webka mid siyasaded kadhig sida ay iskaga baten,ama din ama kuwad xirirka dadka doni inay yurub kunoladan,2 ogu danbeya ayana u muhimsan,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  16. Vara Kännor ( Student) says:

    Daahir Suge – Walaalkeeyga Muslimkaayoow waad Haftay ee Tawba dheh.

    Haddaa tiraa Kaniisad iyo Masjid waa Isku mid ,:- soo inaa qaldantay umaadan aragteen ?

    Allah s.w.t markuu koonkaan abuuray Kitaab ayuu soo raaciyay , Nabi barana wuu u soo diray , Kitaabkaa Alle xukunkiisa waa Shariicada Alle.

    Dadkii Diiday oo Allah beeniyay , Kitaabkiisana beeniyay , waxay qor qorteen Kitaab yaroo iyagu qorteen , Kitaabkaa waxaa ku qoran , Ninbaa isku Guursan Kara , iyo Naago – waana Xoriyad – Magaciisuna waa Demoqraadiyo – Allaah ka baq walaal haddaa qaldantahay waan kuu cudur daaraynaa Allahna Tawba dheh – Balse Kitaabka Alle iyo Diinta Islaamka iyo Demoqraadiyad Waa laba Xukun –

    Kitaabka Muslimiinta – Shariicada Alle

    Kitaabka Gaalada — Demoqraadiyad Allah ka baq walaal , waad qaldantay ee Alle u noqo Cilmina haddii aadan u lahayn Baro Diintaada , wejigaaga Allaha Nuuriyo e.a

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. Khadija says:

    KKKKKKKKK idinku hambalyadaad isku haysatiine waxaanse la yaabanahay magacyada leysu daba dhigey intaba ma canugtaa loo bixiyay la jecel lee iga dheh.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. galdile says:

    as ww somalida sweden ku dhaqan 90% waa jaahiliin rag iyo dumar waayo waxaan daraaseeyey wax badan iyagoo gaalo kaga dayanaya sida holloween-ta aay christan-ku u dabaal dagaan iyo iyo valentina’s day oo ahaa catelic wayn oo aay xusaaan gaaladu waxaana garan waayey somalida sweden intaaasba iyo qaarkaloo badani waxaay ula farxaan gaalada isagoo og in gaalo ciideed tahay , mida kale gabadhaas rer boqorku dhaleen maha in la leeyahay waa gaaalad yar balse waxaa iska dhalay labo najaas oo ilaahay ku kufriyey marka dabaal dageedu kuuma banaana , mida kale somali baad tahay gaaalo la faraxeedu kuma soo galo dalkaagiii baa kaaga baahan xasilooni iyo nabad in aad u raadsato danahaagaba mahan is aad gaal la faraxdid alle ka baqa rer swedenoow oo ciyaalkiina u ciida maalmahan shirkiga ah ee aay la farxayaan gaalada sida holoweeen-ta oo aad u xidhaan dharka aay ciyaalka gaaladu dhashay xidhaan iyo diiintoooda xusaaya , iskana daaya rer swedenooow masaajidyada aad ku tilmaamtaan masaajidkaa kuma dukanaaayo oo rer hebel baa u badan . Dabeecada aan ku arkay sweden waa dabeecadaha mushrikiinta ee alle ka baqa oo diintiina iyo shaqadiina ku koobnaada . Haweenkana waxaan farayaa rer sweden ama uerope jooga ragiina u noqda baariyooyin oo iska dhaafa gobolada aad aroooska u tagaysaan miyeydaan ka baqayn in gaadhigu ama train-ku shil idinla galo aad sidaas ku dhimatid adigoo ninkaagii iyo xaruurtaadiiba kuu xanaaqsan yihiin dhintayna adigoo dirac wayn qaba oo cowradadii banaanka taalo subxaanallah …. ragana waXaan odhan lahaa iska dhaafa jaadka damiirkaagii kaa qaaday oo kaa fogeeyey xaaskagii aad jeclayd iyo caruurtaadii soo kolaysay kugu qasbay nin kula mid ah oo shaqaystay shaxaadkiiisa damiirkaagoo dhintay owgiiiis .
    WABILAAhi TOWFIIQ

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  19. Vara Kännor ( Student) says:

    Sax walaaaaaaaal Dhaliilahaaaaa oo Idil waaaan leeenahay:_ Sweden waxay ahayd GOOBTI CULUMADA Soomaaliyeed isugu imaan jireen , iyo Minaarada Diinta e Yurub , waagaas waa markii Culumadu joogeen , sida Sh Cumar Faaruuq Rh ,, haddase qusac balaanyo ayaa dhooban , iyo 25 Jir Ceeyr sugaaaaaa!!

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  20. sahar says:

    hang in there! We have moved so many times (about 10 in 15 years–yuck!) and I hate it every time. but your pollyanna stiesr really is right. You will be so thankful when you get rid of all your toss and give piles and only have to move the stuff you really want. And that new action is beautiful!good luck!Beth

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. Michelle says:

    Seems like a lot of us are feeling emtaphy for you! Me included! Just think of it as a cleansing process, lots of stuff you didn’t know you needed of had can be gotten rid of. Every time I move I feel like I am starting over in that way. A huge spring cleaning.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. Sabryna says:

    It’s going to be at the Ryde Community Sports Centre, which is the venue for the older trials being held. From all rertpos it looks really good!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0