Gabadhaan waxaa shaqada loogu diiday xijaabka dartiis

9

Gabadha lagu magacaabo Banin Maki ayaa bishii hore waxay shaqo ka raadsatay maqaaxida Subway, iyadoo loogu wacay wareysi. Ka dib markii ay soo xaadirtay wareysiga oo ay aad ugu faraxday ayaa loo sheegay in aysan halkaasi ka shaqayn karin haddii aysan xijaabka iska dhigin.

“Waan tagay aniga oo aad u faraxsan, maamulaha waa uu faraxsanaa oo waxa uu durbadiiba ii sharaxay sida loo shaqeeyo iyo mushaarka. Ka dib ayuu i waydiiyay sida aan ka yeelanyo xijaabka.” ayay tiri Banin.

Iyada oo aan fahmin su’aashiisa ayay waydiisa waxa uu ka waddo, isagoo u sheegay in aysan xijaabka xiran karin haddii ay ka shaqaynayso Subway. Markii Banin ay u sheegtay in aysan iska dhigi karin xijaabka, ayuu uu soo xiray wareysigii.

“Waligay uma qalbi jabin sidaas oo kale. Waxa uu igu qiimeeyay xijaabka oo keliya. Waa adagtahay in aad shaqo hesho adiga oo xijaabka xiran, laakiin isma oran xijaabka dartiis ayaa shaqo laguugu diidi doonaa.” ayay hadalkeeda ku dartay Banin.

Wargeyska Metro oo la xiriiray ninkii wareysiga ka qaaday Banin ayuu ku yiri:

“Nooma shaqeeyaan dadka sidaas oo kale u eg, waxaan siiyay fursad si ay waxyar isku daboosho balse ma aqbali karno in ay xijaabka xirato. Sharcigeena uma badali karno hal qof dartiis, haddii kale shaqaalaha kale ayaa ku dayanaya.” ayuu yiri.

Shaqaalaha Subway ayaa waxay xirtaan dhar u gaar ah iyo koofi. Banin ayaa sheegtay in ay diyaar u ahayd in ay xirato dharkaas oo koofida ka kor qaadato xijaabka.

Shirkada Subway ayaa ah mid maqaaxi kasta uu leeyahay milkiile gaar ah, iyadoo laga maamule xarunta weyn ee Subway. Ali Gharaee oo ah afhayeenka Subway ayaa sheegay in aysan Subway lahayn sharci mamnuucaya xijaabka isla markaana ay wadahadal la gali doonaan milkiilaha maqaaxida gabadha shaqada u diiday. Isagoo intaasi ku daray in ay xiriir la sameyn doonaan Banin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here