Gabadhii ugu horeysay ee Xijaab xiran oo ku biirtay dab damiska Sweden

Gabadha lagu magacaabo Shatila Salami oo 30 sano jir ah ayaa noqotay gabadhii ugu horeysay ee xijaab xiran oo ku biirta dab damiska Sweden. Gabadhaan ayaa horay sidoo kale noqotay midii ugu horeysay ee xijaab xiran oo qaadata tababarka milatariga Sweden. 

Iyadoo ka halaysa culeyska ay la kulantay markii ay samaysay tababarka ciidanka ayay shatilada-ciidankasheegtay in dhowr jeer loogu yeeray argagixiso iyo in cunsuriyad badan ay la kulantahay, iyadoo markii dambe loo sheegay in aysan tababarka ciidanka qaadan karin haddii aysan xijaabka iska qaadin balse arintaas ayay diiday. 9 bilood ka dib ayaa ciidanka milatariga ay la soo xiriireen iyagoo aqbalay xijaabkeeda. Shatila ayaa soo dhamaysatay tababarka ciidanka iyadoo noqotay gabadhii ugu horeysay ee xijaab xiran ee guud ahaan qaarada Yurub ka qaadata tababarka ciidanka.

Ka dib ay go’aansatay in ay  qaadato tababarka dab damiska. Hada ayay ka shaqaysaa xarunta dab damiska ee magaalada Malmö. Waxay sheegtay in markii ay bilowday dab damiska lagu yiri in aysan dumarka shaqadaan qaban karin balse waxay sheegtay in ay doonayso in ay muujiso in gabdhaha Muslimiinta ay wax kasta qaban karaan.

Shatila ayaa sheegtay in shaqada dab damiska ka dib ay doonayso in ay ku biirto ciidanka Booliska.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. Aden says:

    Mashaa Allah waa qof nool walaahi. Ayada iyo qof lamid ah ayaa ka guulaysan karo SD. Hadii aad hoos fiiriso oo aad dhulka isdhigto waa lagu soconayaa hadii aad dadaal iyo dulqaad iyo indha adayga dhar ka dhigato waa lagaa leexan. Somalida ayaa dhulka taal tolbeelay

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  2. ala aamin says:

    maansha allh waxaad muujisay dhaqanka wanaagsan iyo asluubtaada diinta islaamka ilaahaybaana sidaa aad u adkaysatay xijaabkaga iyo dhaqankaga suuban kugu gargaraya waana ta aad heerkaas ku gaadhay ; bal u fiirsada carabta lagama yaabo in ay ka tagaan dhaqankooda halka nijasada somalida sheganeysay ey ku faaneyso ayadoo leh ku soo biiira diinta gaalada waxaan tusale u ahay somalida waxaan ka tagay dhaqankeyaga oo waxaan dhex galay bulshada sweden qofkastoo somali ah waxaan leyahay hadaa diinta islaamka ka baxdo wax aad kala baxdey ma jirto waxaan ahyn foolxumo iyo dhaqanxumo

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  3. bashka says:

    Masha allah waa Arin lagu farxo oo waliba ku dayasho mudan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  4. Ala weyn says:

    Maansha allh qofkii diintiisa kor yeela rabina waa koryeelaa muslimiinta kale sweden waa kuwan sharfan diintoodana kor u qaaday. Somalina waa araknaa in ay ka baxeen diintooda kana faanayaan iyakoo foolxumadoodii diin la aana ku darsadey sida naagtii gaalawdey ee somaliyada aheed oo kaleto ah nacladi haku soo dagtee.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0