Gabadhii ugu horeysay oo boolis xijaab xiran ah oo la cunsuriyeeyay

5

Gabar Muslim ah oo noqotay qofkii ugu horeeyay ee xijaab xiran ee dhamaysta waxbarashada Booliska isla markaana si ku meel gaar ah ula shaqaynaysay booliska ayaa shaqada loo diiday, iyadoo hada dacwad u gudbisay Xeer ilaaliyaha cunsuriyada (Diskrimineringsombudsmannen, DO). Gabadhaan oo si tijaabo ah ula shaqaynaysay booliska Södertälje ayaa loo sheegay in aysan noqonayn boolis dhab ah, iyadoo sheegtay in dadkii kale ee tijaabada maray si kale loola dhaqmay.

“Waan ogohay in aan ahay qofkii ugu horeeyay ee boolis ah oo xijaab xiran. Dhowr jeer ayaan dareemay in cunsuriyad laygu sameeyay. Dadkii kale ee tijaabada ila maray si kale ayaa loola macaamilay, iyadoo aniga shuruudaha laygu kordhiyay maadaama aan ahay qof ka duwan dadka kale. Sidaa xitaa waxaa igu yiri mid ka mid ah madaxda booliska” ayay ku qortay dacwadeeda.

Gabadhaan oo lagu magacaabo Donna Eljammal ayaa markii ay ku biirtay tijaabada booliska waxaa aad u soo dhaweeyay Muslimiinta iyo soo galootiga Sweden. Iyadoo la filyay in ay wadada u furto in ay gabdhaha Muslimiinta ah ka mid noqdaan booliska balse sida muuqata taasi ayaan dhicin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here