Gabar 17-sano jir Soomaali ah oo la qabtay iyada oo ku biiraysa ISIS

Gabar Soomaali ah oo reer Linköping ah ayaa isbuucaan lagu xiray wadanka Austria ka dib markii looga shakiyay in ay ku sii jeedo wadanka Syria oo ay doonayso in ay ku biirto ururka ISIS ee ka dagaalama wadankaasi. Booliska Austria ayaa ku guuleystay in ay soo qabtaan gabadhaan iyagoo isticmaalaya signalka telefoonkeeda.

Booliska ayaa sheegay in qaraabada gabadhaan ay ka shakiyeen in ay xagjir noqotay inta aan la waayin maal  ay jaan iyo cirib dhigtay. Familka ayaa sheegay in gabadhaan ay bilowday daawashada muuqaalada jihaadka ee ay soo sameeyeen ururka ISIS isla markaana ay muujisay hadalkeeda in ay taageersantahay ururkaas oo loo arko mid argagixiso.

Gabadhaan ayaa la sheegay in ay ku dhalatay oo ku barbaartay Sweden, iyadoo la yaab noqotay sida ay ku noqotay xagjir doonaya in ay ku biirto dagaalada lagu dhamaaday ee ka socda wadanka Syria. Ma ahan qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah ay u safarto Syria, iyadoo horey ay u bexeen gabdho Soomaaliyeed oo ka tagay Stockholm iyo wiil dhowr ah oo ka baxay daafadaha Sweden. Qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaalida ee u safartay Syria ayaa ku dhintay dagaalada halka qaar kale ay ku xayiranyihii oo aysan soo laaban karin.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

10 Responses

  1. waryaa says:

    Weey Qooqday. Qooq ayaa syria geeyay. Nin hadii lagu dari lahaa syria meeysan takteen.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

  2. Liban says:

    Waa la qalday caruurta hala wacyi galiyo hana loshego anaga jihaad waxa noogu filan somalida kala tagtay sidi leesugu soo. Celin laha oo mar uun ula jaaan qaadi laheen kheeyrkeen!teeda kale walidiinta qurbaha kuhesta caruurta da,doodu kawenahay 10 waxa uso jedin laha bara caruurtina somalinimada dhaqnakena iyo Sudan ahan jirnay laga yaabe hoyadi ama abihi dhalay acruutan qurbaha ku Koray ama kudhshay ineey dhib iyo rafaad uso mareen sidi eey nolal wanagsan iyo caruurtoda mustaqbal ugu samen lahaayen ayeey qaarkod bada uso marren si booka aa wax ku baran laheed uusan ugu adkan walidkA waxbarshana aad uheli laheden markaasad ledihin seyriya jihad lo adaa war jihaad hada rabtaaan walidkiiana raali galiya oo qorshahoda ha kudhelina wabahi toofiiq

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 1

  3. fatma says:

    allah dadku doqonsana jiihaad kulaha nafteyda macanka baadan oo alle i siiyey maan jihad intan dheho dadkale u huraa walle marna ma dhaceeyso inan nafteeyda haligo no way.
    waxa yaab iyo fajac igu ah dadka jahil nimada ka badatey oo bombo lo so xiiro orodo dadka so qarxi lugu yirahdo. waxad ogata qofyohow bombada loso xireey inad thay dooqon waxa laga rabeey inad ku tirahdo qofka kuso xireey adiga isku bilow horta intad bombo i xiirin.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. abdelkader says:

    Nin yhw refference so gali iyo meesha aad warka ka so qaadatay saaxiib Somalida ha jahwreerin oo beenta iska dhaaf aniga warka wan aqristay gabdhu waa cadaan mahan somali ee beenta naga dhaaf walaalow

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 3

  5. Salaad says:

    Asc wararkaan maalmahan oo dhan waa hayaan madiayaha oo dhan lakin soo ma bandhigin Jinsiyada ay u dhalatay gabadha lakin adiga isla markiiba waa sheegtay cida ay u dhalatay waaba haddii ay runtahay waxaana leyahay illah hasoo hadeeyo. Waana fikirkeeyga mahadsanid

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. Linköping boy says:

    Dadka shaki ka qaba dhalashada gabarta aan idiin sheego gabarta wa Somali oo Linköping xaafada Skäggetorp aye deganeyd lkn media aha sweden waxey sheegeen in ee Swedish tahay wna sax oo sweden aye ku dhalatay lkn ma ahan in aa annaga war ka so qorna oo dhahnaa gabrta wa somali sidaasi ne somalida magac xumo ugu so jiidno somalida ee aan ku wadno gabartu wa swedish sidaas danteena ku jirtaa

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  7. Fatma says:

    Hhhhhhhhhhhh linköping boy

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. ducaysane says:

    waa la qalday gabadha wayo waxa ay istidhi waxa wanagsan ayad samaynaysa ma ficna walidka inad ka nixiso janadu waxa ku jirta walid oo aad u samayso farxad saa id ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. ladanlovly says:

    hej
    hbfjj

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Fatah lucky says:

    An waayaabee waxaan feyrus LA is Ku soo diro miyaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0