Gabar 9-jir Swedish ah oo lacag u aruurineysa abaaraha Soomaaliya [Video]

Gabadh 9 sano jir ah oo Swedish ah ayaa lacag gaaraysa 35,000kr u aruurisay caruurta ku tabaalaysan abaaraha geeska Afrika. Gabadhaan ayaa lacagta ka ururisay ka dib markii ay bilowday mashruuc ay ugu magacdartay (Bullhjälpen) oo macmacaanka ay ku iibinayso wadooyinka Stockholm.

Gabadhaan oo lagu magacaabo  Milla Martin ayaa sheegtay in markii ay waxbadan kala hadashay arinta abaaraha ka jira geeska africa waalidiinteeda ay go’aansatay in ay arintaan wax ka qabato iyadoo biloowday iibinta macmacaanka taasoo lacagta ka soo baxda ay ugu deeqday hay’ada Radiohjälpen oo gacan ka gaysanaysa abaaraha geeska Afrika.

Hawsha Milla ayaa soo jiidatay caruur badan iyadoo hada qeybo badan oo Stockholm ka mid ah ay bilaabeen caruur kale in ay iibiyaan macmacaanka si ay taageero ugu fidiyaan abaaraha. Xitaa arintaan ayaa soo jiidatay wasiirada dowlada iyadoo Axadii ay kala qeyb galeen iibinta macmacaanka oo lagu qabtay Sollentuna Centrum wasiirka isdhexgaka Eric Ullenhag iyo wasiirada horumarinta Gunilla Carlsson.

Gabadhaan yar ee ilaahay caqliga iyo dareenka ku manaystay ayaa barnaamijkeeda ku faafisay internetka sida bogoga Facebook iyadoo kumaan qof ay la dheceen hawsha ay qabatay.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

21 Responses

  1. Aden says:

    walaahi waa garabar iiga oohisay waayo waxaan ay qabatay waa wax aan kuligeen qaban karno lkn waxaa naga maqan dareenkii iyo dadnimadii somalinimadii iyo diirnixitaankii war istaaga oo xitaa gabadhaas ku dayda

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  2. Abdi wahaab says:

    asc walaal waa wax lala yaabo sababtoo ah gabar yar oo hadana swedish ah ayaa garatay dhibaatadaa intaa la eg balse dad badan oo soomaali ah ayaan garan marka ilaah ayaa noo maqan ee waaxan ka codsanayaa somaliska in ay isku daydo in ay isku keento dadka wadianiyiinta ah ee uu dal ka maqan yahay waxaan ahay qof naftiisa iyo maalkiisaaq u huraya dalkiisa iyo dadkiisa

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. Madina Cumar says:

    A.S.C. walaahi arin layaab leh Anagi wadanka u dhalanay waan iska jiifnaa caruurti

    iswiidhane dhaqaale ayey u ururimaayaan waxaan dhihikaraa waa damiir xumo Ee

    Somaliyey ka kaca hurdada ee iskaashada walaalihiinane u gargaara dalka iyo dadka baaba

    aya idinkaa iska leh aan dadkeena iyo dalkeena wax u qabano

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. xaliima says:

    asc jimcaale waxaan kugudarsanaa si macaamiishaada aykuladhacaan warka intoow cusubyahay inaanoosoogudbiso waayo gawadhaan 11 agosto anaa kadaawaday svt waxaa kasoowareegato 2wiig so xoogaa wax iska bedel warkooqawooway hakeninee shaqo wacan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Xaliima warka muhiimadiisa ma ahan waqtiga balse waa xiisaha uu leeyahay. Waxaa jira warar aan xiiso dhicin xitaa haddii sanad ka soo wareegtay. Warkaan waa nuucaas.

      Mida kale waan ku soo daray wax cusub, oo marka wasiirada ay gabadha yar la kulmeen waa Axadii la soo dhaafay.

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. ramla says:

    somaliya waxa dashaday dagaal 20 sano kor i dhaafay waxaba kasii daray abaraha aan dhamaadka laheen aan u gargaarno dadkeena somaliyeed si dhab ha aan afka aheen uun asc

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. CABDI RAHMAN MAHAMED says:

    SOMAILIYA ILAAHAY,HA UGAR GAARO,

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. dhigadhige says:

    masha alah wa gabar aqli leh ilah haka dhigo islam ,, kuwa wax magaratada islamka isku shegayo aye karontahay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. sihaam says:

    masha allaah waa rabar aad iyo aad u maskax fiican oo naxariis leh ilaahay ka dhigo islaam .

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. abiyow cade says:

    waa bagar wanaagsan waana gabar in lagu daydo mudan wlhi soomaaliyey fadhiga ka kaca u gurmada walaalaheena dhimaataysan gabartaan 9 sano ayey jirtaa waana gabar swedish ah waxa ay garatay anaga iyo inta naga wayn ayaa garan la, plz garbaha aan is qabsano waan guuleysanaynaa wlhi insha alah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  10. maxamed says:

    asc dhaman musliminta meelkasta eeyjoogto somalida maxaay wax isku tarta waba aragta xaliima ayaba lasotagan war jimcale waxad sogalisay war laga baxay ma kulatahay in halka somali kuhishini waxkasta waxay ka keenan muran iyo buuq alla dadku dhib jecela anigu waxan oran laha dadka wax inosoqora ha idinka nabadgalan oo lacagtad ku cuuntan qadka u dira dadkina mucjisada ku habsatay somaalida waxay tirahda galada wa dad xun bal firi gabadha yar waxay dhaata qar isku sheegayo maadax xita madaxdi somaaliya joogtay waxay cunta ama dib u iibisay rashiinkii umada sodhibtay masakiinti losodhibayna waxba lamagarsin waxay ku jiran boob iyo dhac

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. Massago says:

    ILmaha caadi ma,ahan say u waramaayaan dhugo waxaad uqabtaa dad wiligood media ku dhaxjuray Allaah ku toosiyo ineey qaadtaan diinta islaamka kuwaan oo kale ayan u baahanahay hada waa ay yihiin dabcan lkn framtid ayaan kawadaa
    Milla och Martin soo barbaaara

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  12. Maanka says:

    Somaliyey ilah aya ku maqan aji nabi oo hadana saqira aya san ogu dir xana war anaga dhig malihin miya somaliyey san si kabadalo o is raca

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. naimo says:

    Subxaana laah allow u kas gabadhaas yar in ay islaanto si islaamku uga faideysto aqligeeda saliimka ah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. maryan says:

    maansha,allaaaaah illaahoow gabadhaas ar diinta soo geli, wax aanu anagu garan waynay ayay noo garataye illaahaoow daaaa oo soo hanuuni, aamiin, illaaahada waxaynu maraynaa ilmihii 2 baad oo wadankale u dhasha oo caruurteena iyo dadkeena dayacan deeq ugu deeqa maansha,llah kuwo kale oo badana waan rajaynayaa, oon weliba rajaynayo in ay ka soo dhex baxaan dadkeena insha,allaaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. mustaf says:

    walaahi waa gabar cajiib ahi maxaayeele dad ayaga gacantooda isku burburiyay ayey dooneysaa in ay wax u qabato oo ay macmacaan gato ay somalia udirto gabdhaha somalida ee gabartaas yar lafac ahne ayagoo dabaalin ahi oo hadane calool weyn ay yurub joogaan waalidkoodane kaba sii daran fadhi kudirir iyo qabyaalad somalia maxaa ka dhacay idaacadaha iyo tv ga maxaa aysheegeen ley kujiraan dhalinyaradane surwaalka ayagoo ka dhacaayo ayey wadooyinka wareegayaan waxaan lee yahay kudayasho wacan iyo dalkeena oo nabad ah inshaa allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Abdiehehe says:

    Asc Hjejeje

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. nasra says:

    alle xaqa ha tuso dad caqlile waaye

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. samater says:

    asc alle subxanahu watacala ayan ubaryeena in alle wadankeena udhibka kaqada amin amin yarabi

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. Xayaat says:

    Msha alh

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. Xayaat says:

    Mash alh walh wa gbr ku ilhamiye alle subxanahu watacala ine sameyso falkas awalan alle subxanahu watacala aya mahad is ka leh una sugnatay ino ilhamiye cunugtas yar alle waxa ka barya inu ku xafidkiliya dintisa waxana u rajena ine naqata mid daciyad ah allaha kula garab gala somaliyane alha u macina insh alh

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0