Gabar Muslim ah oo sheegtay in xijaabka xoog looga qaaday

11

Gabar Muslim ah ayaa sheegtay in shaqaalaha amaanka ee Airopoorka Arvidsjaur ee ku dhow magaalada Luleå ay si xoog ah uga qaadeen xijaabka. Gabadha oo lagu magacaabo Saama Sarsour ayaa sheegtay in ay shaqaalaha waydiisatay in qol gooni ah ay xijaabkeeda ku baaraan balse waxay sheegtay in qofkii baarayay ay si xoog ah uga qaaday xijaabka.

Arintaas ayay sheegtay in ay ku noqotay mid ay ka argagaxday, iyadoo booliska dacwad u gudbisay. Booliska ayaa durbadiisa go’aamiyay in aysan wax baaritaan ah ku samaynayn dhacdada. Agaasimaha Airopoorka ayaa sheegtay in shaqaalihiisa aysan wax qalad ah samayn isla markaana ay raaceen sharciga shaqadooda.

Shirkada maamusha inta badan Airopoorada Sweden ee lagu magacaabo Swedavia ayaa sheegtay in sharci ahaan ay tahay in dadka meel qaas ah lagu baaro.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here