Gabar muslimad ah oo Norway loo diiday ineey gasho saloonka timaha lugu hagaajiyo

2

Time jare ku yaala waqooyiga dalka Norway, ayaa diiday in gabar muslimad ah oo xijaaban soo gasho timjarajooda. Ka dib markii gabadhaasi xijaab madaxa  u saarnaa.

Maxkamaddan oo la yiraahdo Jæren kuna taala gobolkaasi, ayaa ku xukuntay saaloonka ganaax dhan tobban kun oo lacagta noorwiijiyaanka ah. Waxaa sidoo kale ay maxkamadu ku xukuntay socotay qarashii ku baxay bixiyaan kiiska dacwadda in saalaanku bixiyo.

Maxakamadda ayaa sheegtay in gabadhaasi muslimada ah lugula kacay midabtakoor xagga diinta ah. Waxaa saloonka dhinacooduna ku andacoodeen in gabadhu xirneyd dhar ay ka muuqdeen xagjirnimado siyaasadeed. Ugu dambeyntiina gabadhan oo aan magaceeda la shaacin ayaan ku qancin xukunka maxkmadda waxaana ay sheegtay ineey ka qaadaneeyso racfaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here