Gabar reer Sweden ah oo lagu la’yahay Istanbul

Gabadha lagu magacaabo Sofia Hussein oo 17 sano jir ah deggena magaalada Örebro ayaa ilaa afar isbuuc la layahay meel ay jaan iyo cirib dhigtay ka dib markii reerkeeda ay dalxiis ku tageen wadanka Turkiga. Hooyadeed oo lagu magacaabo Warda Ali ayaa ku sugan xaalad murago leh ka dib markii ay dib ugu soo noqotay Sweden iyada oo aysan la socon gabadheeda.

Warda Ali iyo caruurteeda ayaa dalxiis u tagay Turkiga, iyagoo guri ka kiraystay halkaasi. Hooyada ayaa wargeyska Nerikes Allehanda u sheegtay in maalinta gabadheeda ay lumayso oo ahayd Arbaco 26-bishii november ay dalbatay in ay dibada aado kaligeed iyadoo Warda arintaas diiday balse markii dambe u ogolaaday in ay u baxdo wadada ka horeysa gurigooda. Warda ayaa sheegtay in 10 daqiiqo ka dib ay daaqada ka eegtay, iyadoo aysan Sofia ku sugnayn wadada.

Hooyada ayaa sheegtay in ay isku day’day in ay wargaliso booliska Turkiga balse aysan si xushmad leh ula dhaqmin iyadoo aysan warkeeda waxba ka soo qaadin, waxay u sheegeen in ay la xiriirto safaarada Sweden. Warda ayaa sheegtay in qaabka ay ula dhaqmeen booliska Turkiga ay ka dambayso maadaama ay Soomaali tahay. Ka dib baaritaan iyo raadin badan oo Warda ay ka samaysay Istanbul ayay dib ugu soo laabatay Sweden iyadoo aysan la socon gabadheeda.

Sidoo kale waxaa booqasho ku tagay Istanbul gabadha aabaheed iyo walaalkeed, oo iyagana ku soo laabtay Sweden iyaga oo gacmo maran. Halka ay Sofia Hussein jaan iyo cirib dhigtay ayaan ilaa hada la ogeyn.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

13 Responses

  1. qadar says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 7

  2. Gabadh somali says:

    Alle hasoo dhaweyo LKn boliska turkigu aad ayay u wacanyihiin runtii ee ma aqani wax ka qaldanaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 4

  3. nawal says:

    illahay ha usoceliyo ayadonabadqabta

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  4. zubeyr says:

    arinta labada sano ya war cusub kahaayo walaalayaal in lafasaxay dadka isqaba e caruurta isku leh labo sano malaga dhaafay xujadi ahayd mahadsanidin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  5. Um Alwalid says:

    arinta labada sano kooxda ay quseyso meeshaan isku wada wareeysan jirnay malaha safxada ayaa buuxsamatay ee si aan iskaga war haayno aan isku wareeysano safxada facebook ee somaliska cinwaanka ogolaashaha maxkamada waa iiga rayi ahaan mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. CAM CAMMASH says:

    GABADH 17 JIRA AYAA LA LAYAHAY BAA LALEEYAHAY MARKAASAA 2 SANO YAA WAR KAHAAYO AYAA MAQLEYSAA WAR QOF BINI AADAMAH YAA DHUMAY OO NOLOL IYO GEERI LUGU OGEYN ILAAHEEY WAALIDKEED SABAR HASIIYO HANA USOO CELIYO IYADOO CAAFIMAAD QABTO WAA WAX LAGANAXO RUNTII

    Fikrad lala dhacay Thumb up 13 Thumb down 1

  7. soomaal says:

    waa arin laga naxo. gabadha facebookgeeda iyo dadka ey xiriir lasameysay halabaaro. waxaa dhici karto syria iney u gudubtay. ilahey nabad hakusoo celsho.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  8. Sharmarke. says:

    Ilaahay Howsahlo in ay helaan gabartooda sida ugu dhaqsaha badan.
    * Aniga waxaan kabaqayaa in la afduubey oo loo dhoofiyey nimanka gata gabdhaha beecaa.
    * Ama inay aaday iyo wadamada konfliktigu kasocdo sida Syria iyo Iraaq oo ay kubiirtey Qolodii wax gowrici jirey ee carabtaahaa.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. Amin says:

    Marka hore waxan Ilaahay uga barbayayaa in uu usoo nabadceliyo una xafido gabadhooda waalidiinta dhiban, marka labaad waxay ila tahay in ay iska cadahay in ay gabadhu marka horaba rabtay in ay hoyadeed iyo qoyskodaba ka cararto madama ay dalbatay in ay kaligeed baxdo waxayna u badantahay in ay jihaadkii waalida aaday oo ay albaabkii waalida garaacday, Ilaahay somali hasoo ururiyo kuwii dagaalka lagala soo cararay ayaa baimwash lagu sameeyay oo dagalkii lagala soo cararay dib loogu adeegsaday.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  10. qeyre says:

    a w w waan kusalaamay jimcaale sida osmaan gaab sheegaba buugu hanoqdo mid sumcada iyo sharafta somalidaba kor uqaada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  11. ABDINUR says:

    Allaha usoo nabadceliyo gabadhaas walid keed balse mahan arin bolow caruur somaliyeed oo qurbaha lagu waday,waxayse u badantahay u talowday dhinaca islamic state,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. samaan says:

    Alxamdulilah calaa kuli xaal aad baan uga xumahay maamada dhibka asiibay ilaahey si degdeg ah gacanteeda ha ugu soo celiyo inta ey ka maqantahane dad diiniita iyo dhaqanka sooban u ehela ha ugu aadiyo amiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. shavi says:

    turkey ba walalhenay kuleyhiin somalidan war danahay idin ka leyhiin ba ka badan walalo layne dadkan hal lami oo 200dlr ah qaliga ka dhigyan ka yabanahay iyo bariiska war somaliya waxay ka qadanayaan baa ka badan ama danahay ka leyhiin ilahay ha usoo cesho reerk ilmahoda yar lagana yaabe argagixsda dhinacooda iyo syria inay aaday alow usahal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1