Gabar Soomaali ah oo Islaamka ka baxday ka dibna sheegtay in Muslimiintu weerar ku hayaan [Video]

Gabadha lagu magacaabo Mona Walter waa gabar Soomaali ah oo diinta Kiristaanka qaadatay sanadkii 2006. Gabadhaan ayaa markii ay diinta Islaamka ka baxday ku dhaqaaqday cambaareyn ay u jeedinayso diinta Islaamka iyo abaabul ay u samaynayso isku xirka Soomaalida kale ee Kiristaanka noqotay.

Wareysi ay siisay telefishinka Sweden ayay kaga hadashay sida ay ugu nooshahay cabsi joogto ah iyo in Muslimiintu weerar ay ku hayaan. Waxay sheegtay in meelkasta oo ay tagto Muslimiintu ay aflagaado iyo weeraro kale ay ku sameeyaan oo in la dilo oo keliya ay u dhimantay. Xitaa gurigeeda ayaa waxaa ku xiran alaamka.

Sababta ay uga baxday diinta Islaamka ayay iska cadahay in aysan macquul ahayn in rabitaanka nolosheeda iyo shuruudaha Islaamka aysan is waafaqayn. Gabadhaan ayaa markii ay Soomaalia ka soo tagtay oo ay Sweden soo gashay sheegtay in ay doonaysay xoriyad iyo in ay u dhaqanto sida reer galbeedka balse arintaas uusan Islaamku ogolayn. Markii ay qaadatay diinta Kiristaanka  isla markaana y guursatay nin Swedish ah ayay sheegtay in ay dareentay farxad iyo xoriyad. Iyadoo sheegtay in Bible uu ka duwanyahay Quraanka. Waxay intaas ku dartay in weerarada ay Muslimiintu ku hayaan ay ku salaysan yihiin Quraanka.

Haweeneydaan ayaa ah mid waqtigeeda qeyb badan oo ka mid ah ku bixisa cambaareyn Islaamka iyo sidii ay Soomaalida uga leexin lahayd wadada Islaamka. Wareysi ay siisay wargeyska Dagen ee ku hala afka Kiristaanka ayay sheegtay in ay muhiimtahay in Islaamka isbedal lagu sameeyo. oo Soomaalidu ay fahmaan meelaha uu Islaamku daciifka ka yahay.

Gabadhaan iyo dadka la mid ah ayaa u muuqda in ay qalad ka fahmeen xoriyada. Inkastoo ay xoriyad u leedahay in ay doorato diinta ay rabto isla markaana ay tahay iyada iyo Allah arin u taala haddii ay Islaamka ka baxaysa iyo in kale , laakiin waxay qalad ka fahantahay in xoriyadu ay tahay in ay weerar joogto ah ku qaado Islaamka iyo Muslimiinta. Soomaalida iyo guud ahaan Muslimiinta waxaa la gudboon in aysan waqtiga iyo sumcada isaga lumin in ay weeraraan dadka nuucaan ah maadaama taasi ay kordhinayso qaladadaadka laga fahansanyahay Muslimiinta isla markaana ay taageero ku helayaan dadka nuucaan ah ee diinta ka doortay dhaqaale iyo rabitaankooda nolosha.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

20 Responses

  1. Asalamu caleykum dhamaan muslimiinta kunool Sverige.
    Jimcaale walaal waad dhameysey arinta ee waxaan ana ku darayaa waa ceeb in layidhaah diinta islaamka xoriyad maleh, Ilahey subxanu watacaala waxuu qur aan kiisa sharafta leh ku yidhi ( FAMANSHAA A FALYUMIN FAMANSHAA A FALYAKFUR ) kii doona ha aamino kii dhoonana haka gaaloobo qofka isagaa naftiisa meesha uroon yaqaana laakiin diinta uu ka baxo inuu aflagaadeeyo waa xaaraan ama kristian ha ahaato ama muslim labadaba, markaas waxaan ku wanin lahaa in aflagaadada diinta islaamka kadeyso cid ubahani majirto, islaamku qof iyo wax ka badan waxba uma qaban karaan waxna kama naaqusi karaan waadna mahadsan tiin dhamaan.

    Hejdå

    Hälsning Ismail Rayale

    Fikrad lala dhacay Thumb up 23 Thumb down 4

  2. Axyaa-Wadani says:

    Allaah S.W.T Janno Ayuu Sameeyay iyo NAAR ,, waxbana nalooma qarin Dige ” Rasuul Aahbaa naloosoo diray” Allaahna cid ma dulmin. Inantaan walaasheen ahaan JIRTAY Allaha soo hanuunsho maqaarkeeda yarkaa NAAR ma xamili karee. Waan Hubaa 100% ineeysan helin DIIN qancisa aysana HELI doonin. Lkn sidaa mgaceeda ka aragtaan MONa WALTER , waxay kusoo barbaartay reer Swededhish ah ama ninkeedaa halkaas gaarsiiyay.. waana sababta islaamka u mamnuucay in Haweeneydu Guursato nin gaala.

    Maxaa yeelay Nabigu SCW waxuu yiri : Haweeneydo waxay noqotaa sida ninkeedu yahay , ee ha iska eegto midkeey Guursanee…. Haddaba U DUCEEYA in Allaah soo hanuunsho.

    Maalin walbaa Boqolaal Kun oo Takhaatiir, Aqoonyahano, Baadariyaal, Madax, iyo Ardey ahbaa Diinta Islamaka soo gasha gaaladiiyaana ka yaaban. Laakiin MIYEEY NUURKA ALLAAH DAMIN KARAAN … Maya ..maya

    Allaah Hadduu Hanuun u Qoray MUNO Allaha soo hanuunsho, Haddii kale Dhibkeeda Allaha na reed Mariyo.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 25 Thumb down 4

  3. mohamud says:

    waaa qof nolosha ka dhacay ….. ilaahay ha soo toosiyo .. yaysan nagu soo caan baxin hala buun buunin ha laga soo qaado qof waxba aheyn … lkn maalin qiyaamaha bay ka shalaandoontaa

    Fikrad lala dhacay Thumb up 15 Thumb down 4

  4. xussen says:

    asc wsm qofka kastaaba sibaa wax loo fahan siiyaa hurta qofkaan islaamka iyo kirishtankaba mid eey taqaano malahan xuriyadane waxa eey ka kafahantay qalad hadeey bara laheed diinta islaamka iyo tafsiiskeeda waxa eey leedahay ma dhihilaheen kirishtankane iska dhaafe hurta ma taqaano dad kasoo hurjeeda islaamka ayaa si xun wax uga dhaa dhiciyay kuleey kama downa kuwa isku qarxinayo dad islaama dhax tooda oo markaas laga dhaa dhiciyay ina eey jana galayaan waxan kosoo joobayaa qofkaan aqoondaraa heeyso dhankasta kaheeyso diimaha iyo xuriyadaba weeyna badan yihiin dadka la mid ah gabartaan oo soomaali ah oo ku nool wadama kala duwan laakin midaan maxaa looboobooninayaa sidii wax waligeed la argin gabar somali ah oo qaadatay diinta kirishtanka kulo nafso limaa kasabad tani waa aragtideeyda ku aadan gabartaan waxaan qalday sheeydaan ayeey xagiisa ka ahaadeen

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 4 Thumb down 5

  5. Sharmarke says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 7 Thumb down 16

  6. KEYTON says:

    Subxaana al Alaah runtii waa arrin naxdinteeda leh waayo gabar soomaali oo muslimad ahayd oo maantay xaalkeedu halkaa marayo waa camal uu ibliis leeyahay oo u qurxiyay in islaamku yahay diin xixiran oo aan lahayn wax horiyad ah iyo xadaarad waxaana keenaya aqoon laànta diinta maxaa yeelay hadey wax ka taqaan ma tiraahdeen islaamku xoriyad ma leh mana tiraahdeen Quraanka Kariimkaa oo ah Kalaamkii Alaah Subxaanahu Watacaala waxay ku tusinaysaa in ayna aqoon u lahayn oo hadey aqoon lahayd Suuratu Ikhlaas uma sujuudeen masawir darbi suran oo bani aadam sameeyay waxaan muslimiiney dhamaan idinkula dardaarmayaa nafteyda iyo tiinaba in aad ku dadaashaan carruurteena in la baro tafsiirka Quraanka iyo axaadiista waxaan ku dhex noolahay mujtamac u fudud in ay dhex dabaashaan Rabi ha naga badbaadiyo. maantay waa hubaal qof kasta oo muslin ah in uu ka naxay waxaad ogaataan in Ilaahay ofkuu hanuun la maago cid baadi yeyn kartaa ma jirto kii uu baadi la maagana cid hanuunin kartaa ma jirto wc

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 3

  7. Axyaa-Wadani says:

    FADLAN yaanan LOO jawaabin midka wata MAGACA ”’ SHARMARKE .

    Maxaa yeelay faa’iido laga heli maayo qofka la mid ah, inuu wax sii caayo maahan e.

    Kaliya ku dhaha ” Waa Kuu Diintaada Inaguna waa Noo Diinteena Islaamka.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 4

  8. Ladan says:

    walalayasha somaliyeed ee horta diinta uga baxaya in dadka kale nacsiiyeen waxan kula talin lahaa islamku maha waxuu dad sameystay ee waa diin allah swc uu leeyahay markaa qofkasta ha barto diinta iyo waxay sheegeyso ee yaanu ku dayan qof kale ama u nacin diin shaqsiyaad qaldami kara. teeda kale waxa keenayaa dhabaatooyin badan qurbaha markaa dad badan waxa ku iman kara jahowareer ee yaan dadka noocan ah la dhibaateen wayo bari rabi baa soo hadeyn kara inagu hadeynta gacanta kuma hayno ee dadka ilahay baa xisaaba idinku ha xisaabina. diintu waa nasteexo ee nacaybka daaya plsssssss

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 7 Thumb down 4

  9. Ambiyo Dheeryee says:

    Asalamu Caleykum Waraxmattullaahi Wabarakaatuhu,
    Salaanta Islaama ee ugu qiimaha badan ee ku wajahan inta Xaqa Rumeysay. Inta Islamka ka baxdayna waxaan leeyahay Hej!
    Intaa kadib, waxaan warkeyga kusoo koobayaa, Inta Diinta Islaamka ee Macaanka Badan ka baxday illaahay wax wanaagsan idiinlama maagin oo ninkii illaahay Khayr uu la Doono waxa uu Waafajiyaa Diinta Islaamka (Man Yuriidullaah Bihi Khayran Yufaqihu Fiddiin).

    Ogaadayoo inta Soomaali ah ee Diinta Islaamka ka baxday waa inta ugu caqliga iyo wax tarka xun oo Islaam inay xumaan usoo jiidaan iyo jiljileec mooye aanan u aheyn wanaag iyo waxtar – Waxaan oran lahaa un, “Fool Xumo Diina ayaad un Islaamka la dhaafteen Dhurwaayaal Yahoow”,

    Kheyr Insha Allah (Inta Diinta Islaamka ee Xaqa ah heysata)

    Hälsningar, (Kufaarta Soomaaliyeed!)

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 5

  10. Ali warsame says:

    sax walaahi

    Qoftaan oo kale waa loo baahan yahay.
    diintaan maxaan ku haysanaa
    20 sano Ayaan is cunaynee
    saxiibadey oodhan waa krishtiyan waana wanaagsan

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 9

  11. Axyaa-Wadani says:

    LADAN :– Naceybkaan waa kii BANAANA
    ILAAHEEY DARTIIS in wax loo Naco waa wanaagsantahay
    Ilaaheey Dartiisna in Qofka loo Jeclaado waa wanaag.

    Lkn Qofka Qabiilaan ku nacay , Midab iwm lama ogola.
    Qofka Diinta Allaah ka baxa ama Rabbi inkira Waa Necbahay
    Taasna waa Cibaado Allaah.

    Nabigaa Noo Dardaarmay Dar Allaah inaanu wax u Nacno
    Dar Allaahna wax u Jeclaano !!

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 3

  12. sucaad nasir says:

    inaa lilaahi waa inaa ilaahey raajicuun diinta islaamka uma dhutineyso naag gaalowdey wax rabo oo raad sanaayana majirtee ilaaheybaa hanuunka iska leh ee ilaahey hasoo hanuuniyo

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 4

  13. shariifka says:

    SC Waxaan Soomali waxba kama oga waa waxaan diinta iyo tarbiyada islamka lagu soo bar baarin, ee aniga waxaa waalidiinta usheegi lahaa caruurta diinta iyo dhaqankeena halagu bar baariyo waayo hada kuwa badan oo wadamada reer galbeedka kubar baaray ayaa udhaqmaya sida gaaladii oo aan diinta waxba ka ageyn, marka kuwa noocaa ah hadhow hadii ay caruur dhalaan sidee noqon doonaa? iyagii ayaa haaf ah, sababtaa darted ayey caruurta unoqonayaa ful gaal ah.” micnaha gaal dhameystiran” ee waalidiinta ha dadaalaan, hana duceystaano. wixii iskuulka lagu soo shubo haka shubaano.
    intaasaa iga talo ah, ayuutada goormee laqaadanaa uun yaa laga fikirin
    Wabilaahi towfiiq

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 3

  14. WAXAA WAX KU DAWAN AAN IDIIN HAYAA says:

    MA OG TIHIIN MUCJISADA KA DHACDAY SWEDEN GAADHI REER AAKHIRAAD WATO AYAA SHIL GALAY BAL HADII AAD LUUQADA TAQAANIIN HALKAN AKHIRSTA OO KA BOGTA WARKAAN, DHANKA KALE QOFKII DIINTA ISLAAMKA KA BAXO ISAGA AYAA FOOLXUMO KALA BAXAY MOOYE WAXBA MA UUSAN YEELIN, YAAN LA CAYNIN YAAN LOO HANJABIN LAKIIN ILAHAY HALOO BARYO INAY DIINTEEDII MACANAYD KUSOO LABATO.
    http://tv.aftonbladet.se/webbtv/nyheter/olyckor/article40084.ab

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  15. hiishaam says:

    soomaaliyey diinta oo laga baxo mawaxaa u taqaa naan oo kaliya in christian la noqdo?
    arinku sidaa maahan ee runtu waa soomaali dhamaan teet ayaa gaalo ah in yar mooyee!!!
    islaam nimada waxyaabo badan ayaa bursha sida salaada u burto oo kale hadii aan soo goobo
    waxaa bursha 2 arimood oo magac waaago ahna shirki 1 shirki waa wadaajin allaah oo loola wadaa
    jiyo cibaada diisa wax kale 2bada arin ayaa ah ictiqaad iyo itbaac macnaha ictiqaad ayaa ah
    adigoo aamina qlbiga ka aamina in oowliyada kuwa loo yaqaan oo somalida u taqaaan la baryo
    loo goowraco loo yeerto waqtiga dhibaato ku hayso. itbaac macnaheeda waa kuwa xukun aan xukunka allaah ahayn isku xukuma iyo kuwa raaca oo raali ku noqda sida dhaqanka somalida xeer beegtida xeer jajabka baarlabaanka somalida qodobada dajista taas oo aan ahayn kitaabkii allaah!!!! bal aan isweeydiinaa somali ma islaam baa mise waa gaalo???

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 4

  16. hiishaam says:

    aniga aragti deyda somalida aaminsan intaa kuna dhaqanta xageeyga iyo xag allaah waa ka gaalo!!1

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 4

  17. Maxaad kasoo doon teen dalkaan, hormarey oo iska dhiibey diin waqti hore.
    Maxaad dadka ugu mush quuleysaan. maa Dan yeelataan
    Anagu waxaan nahay dad iska dhiibey diintaan islamka waqti hore.
    oo iska xoreeyey fekerka khaldan ee idinka idin ku qufulan.
    wixiina haysta, laakiin banaanada hala soo istaagina.
    waxaa tihiin dad dhunsan. Ee dhibaato maahee aan wanaag aqoon.
    Aduunka waxaa ugu liita somali muslim ah.
    hadii aad ku qanacsantahay diintaada islamkaa. ee kudhisan beenta.
    Maxaad isu kala qortaan oo wacalo udhashaan oo christenka waxa uu soo shaqeeyo ucuntaan.
    maxaase udhashaan ilmo xaaraana. Cid idinrabta maleh, xataa carab ayaa idinka faanta iskadaa cidkalee… heer kaas ayaa mareysaan. Africanka kale ayaa xataa idin ka faana.

    Nolol ma haysataan waxaa idin dhaama ( eyga )

    waxaad ku nooshihiin nolol xayaatul kalebka kadaran.
    Eygaa cunada uu cuno iyo idinka waxa aad cuntaan isku mid maahan xitaa.

    Samaysta nolol oo kulaabta meeshii aad ka timaadeen,
    hadii aysan ifin an facaynin noloshaani.
    Meelkasta ayaa laydin ka nacay. xataa.

    is duuga idinkoo nool.

    bussas kaa ka urtiin xataa. oo uunsi iyo xabad sowdo lasoo fuushiin.

    Meelkasta idinka ayaa laydin kuxantaa.

    booqda meelahaan, waxa laydin ka aamin sanyahay.

    https://www.flashback.org/t1233573p5

    http://avpixlat.info/?s=somalier&submit.x=0&submit.y=0&submit=Search

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 4

  18. Diini says:

    Asc muslimiinta, ka dib walaalayaal la yaab malahan waa murtadad diinta ka baxday weliba sheydaankii uu Allah sw naarta ku abaal maiyey sheydaankiina yiri inuu kaligii gali doonin naarta ee uu asxaab badan duufsan doono, Allah sw nooga digay inaan wadada sheydaanka qaadno midaas ayey raacday xukunkeeduna waad wada ogtihiin ee Allahii abuurtay oo aay ku kufriday ayaa abaal marin Insha Allah, ee Allaha inta lunsan soo hadeeyo Laa’ilaaha Illallaahu waxdahu la shariika lah wa ana Muxammadan cabduhu warasuuluhu scw

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 3

  19. War badan wax mataro.

    lakum diinakum weliya diini somaliyey.

    caadi iska dhiga.

    Somali christen ah meelkasta waa joogaan.

    http://www.paltalk.com/g2/paltalk/1551560774

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  20. hiishaam says:

    somalida christan ka ah waxaan u sheegi lahaa hal arin oo ah diinta christanka ah waa diin allaah xagii ka timit sida diimihii hore oo kale diintii uu la yamid abraham isaak yaacquub suleeymaan muuse yuusuf nuux iyo ugu danbeeyn ciisa iyo nabi muhamed calyhi salaam!!! marka labaad markiini hore ka soomali ahaan ma islaam ayaad ahaydeeen oo christan ka noqoteen??? hadii aad islaam ahaydeen maxaad aamin saneeydeen maxaad ka aamin sanaydeeen xeer beegtida baarlamaanka iyo kuwa qabuuraha dulfadhiya ee soomalida u badan? mise lamid ayaad ahaydeen? hadii jawaabtu haa tahay markiini horaba islaam maadan ahayn kuwa hada aad u malaysaan in islaam yihiina ee ku sugan xaladaha aan soo sheegay iyaguna islaam maahan ee su aashu waxay tahay yaa islaam xaqiiq ah maanta yaase christan xaqiiq ah?

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 3