Gabar Soomaali ah oo la baadi goobayo [Waa la helay]

Gabar yar oo 6 sano jir ah oo lagu magacaabo Bushra Khalif oo booqasho ku joogtay magaalada Gislaved ayaa la baafinayaa ka dib markii la waayay talaadadii saacadu markay ahayd kl. 13. Bushra ayaa la sheegay in aysan luuqada Swedishka ku hadli karin.

Markiii ay cadaatay in gabadha yar ay maqantahay ayaa durbadiiba booliska la wargaliyay iyagoo baadi goob balaaran bilaabay oo xitaa helikobtaro lasoo kiciyay balse ilaayo hada lama soo sheegin in la helay bushra iyo in kale. Qof ayaa booliska u sheegay in uu gabadha yar arkay iyada oo ku ciyaaraysa goob u dhow Gullvivaskolan balse lama sheegin haddii ay cid wehlisay iyo in kale.

Booliska ayaan ilaa hada hubin sababta ka dambaysa dhumitaanka gabadha yar, waxay sheegeen in aysan sheegi karin in la qaatay iyo in kale. Cidii aragtay ama warbixin ka haysa gabadha yar fadlan hala xiriirto nambarka 11414 ama booliska.

WAR CUSUB: Bushra waa la helay. Booliska ayaa ka soo helay meel 7 km u jirta magaalada Gislaved. 

Gabadha yar ayaa la sheegay in ay la socotay hooyadeed iyo walaalaheed oo soo booqday qaraabadooda, waxay ku noolyihiin dalka Germalka. Aabaha dhalay gabadha oo ku nool Germalka ayaa boolisku la xiriireen.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. fatima says:

    maagaalada ku dhuntay gabadha noo sheeg

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  2. mohamed says:

    waalagu shegay fatima magalada waxa ladhaha Gislaved hadii ad mel ku ogtahay gabar yar baadi ah 6 jir ah walal wac numberka lagu shegay

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. samira says:

    ASC/ salaan kadib waxaan aad uga naxay gabadha yar ee luntay waxaan illaahay uga bar yayaa hooyadaas inuu illaahay u soo fududeeyo gabadheeda iyada oo nabad ah insha allaah aamiin walalaha dhamaan ku xiran webkan somaliska waxaan ka codsanayaa inay u soo duceeyaan hooyadaas insha allaaah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. Abdirazak Hassan says:

    Daroogada Qaadka soomaalida cunta ama ka ganacsata ayaa ku badan meeshaas intay daroogaysanyihiin(marqaansanyihiin) ayaa caaruurta ka lumaysaa. war kala doorta cowska iyo caruurta.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  5. cabduqadir axmed says:

    alx waalahelay gabadha hada. waadna mahadsantihiin bahda somaliska.com tnks

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. abdifatah says:

    Jimaale

    somaliska .com
    waad mahadsantahy
    i love it this web bage
    and i love

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0