Gabar Soomaali ah oo lagu garaacay baska gudahiisa

Gabar Soomaali ah oo ku nool magaalada Gävle ayaa maalintii isniinta waxaa gacanta u qaaday oday Swedish ah oo da’diisa lagu sheegay 60 jir. Ninkaan ayaa gabadha sidoo kale u geystay aflagaado la xiriirta jinsiyadeeda.

Dhacdada ayaa ka dhacday markii ay gabadha oo 23 jir ah raacday bas u socday xaafada Sätra iyadoo telefoonka ku halaysay. Ninkaan ayaa la fariistay gabadha isagoo isla markii uu arkay in ay telefoon ku hadlayso si cod dheer ah dadka dhan ku yiri “Wadankooda kuma haystaan boorsooyin iyo moobeelo laakiin halkaan waa kuwo la wareegaya”.

Gabadha ayaa markaas ka dib bilowday in ay telefoonka si hoose ugu hadasho balse ninka ayaa si lama filaan ah gacanta ku dhuftay iyadoo uu telefoonka ka dhacay.

“Si lama filaan ah ayay u dhacday. Waligay qof gacan iima qaadin “ ayay gabadhaan oo magaceeda ku sheegtay Somaya u sheegtay wargeyska Arbetarbladet.

Markaas ka dib ayaa mid ka mid ah rakaabka baska uu la hadlay ninka balse ma uusan joojin ee waxa uu ku jawaabay in uu gabadha si xoog leh u garaacay. Isagoo ku qaylinaya “Waxaan barayaa sida wadankaan looga dhaqmo”. Markaas ka dib ayaa mid ka mid ah rakaabka uu ninkii qabtay oo joojiyay in uu gacan dambe u qaado gabadha.

Ka dib markii uu baska gaaray xaafada Sätra Centrum ayaa Somaya ka degtay baska iyadoo booliska wacday. Gabadha ayaa markaas ka dib Hospitaalka loo qaaday. Booliska ayaa hada ku raad jooga sidii loo soo qaban lahaa ninka, iyadoo dambiga loo baari doono mid naceyb ku salaysan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

16 Responses

  1. Yasin says:

    asc walaahi waxaan iyo wax kale oo kabadan waa laga sugaya hadii aanan Somalida eysan oganin in ey wadan kooda jogin. anga waan isku maqanahay dadkana anaga ayey nagu maqan yahiin. waxan dhihi lahaa walalha somalida ah in ey iska ilaaliyan dadka xanunsan. marka aad baska raceysid waxa ku dhahda qofka aad la haadleyso waan kugu soo celin walal.

    Mahadsanid

    Fikrad lala dhacay Thumb up 15 Thumb down 0

  2. wadani says:

    asc wr wb marka ugu horaysa anigu waxaan ka xumahay dhibka loogeystay gabadha somaaliyeed.
    waxaa kaloon layaabay dadkaan aan lajoogno iyagu way ku hadlaan basaska dhexdooda iyo weliba tareenada marka maxaa u diidaaya inaan ku hadalno.inkastoo ay dhici karto inaan xoog u hadalno hadaan somali nahay marka hadaan qaldanahayna aan isi saxno hadii nalaka gardaranyahayna aan si wada jir ah uga dacwoono cunsuriyiinta neceb somalida oo keliya .waxaa kaloon is waydiiyaa wadankaan waxaa joogaan qowmiyado kale oo sideenoo kale kasoo cararay wadamadoodii maxaa inaga oo keliya nalaku nacay? hadii aanaan helin dalad guud oo somali oo dhan waxaa dhici doonta in qof walbo meeshiisa lagu garaaco .hadaba somaliyeey aan gacmaha is qabsano.wabilaahi towfiiq

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  3. Ayman says:

    Caadi waaye waxaas, wadankeena Waxaan isugu sameeyno aa ka daran. Anagaa fahmi weeyney Wadan nimada,

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 3

  4. Axyaa-Wadani says:

    Waa SU’AAL Arintaan waan aqriyay lkn su’aasha igu dhalatay ayaa ah Darawalkii Baska maxuusan arintaan usoo dhex gelin ?? Maxuusan Albaabada Baska u xirin !!

    Darawalka Baska waxaa xil ka saaranyahay rakaabka baska soo raaca inuu, amnigooda sugo macnaha haddii mid lagu xad gudbo inuu kan ku xad gudbay POLISKA u waco , isagoo xiraa baska Albaabkiisa !!! Hadduuse dhib ka baqo wuu furi karaa isagoo Qofkaas ku furaa KAMERADA Baska , Basku waxuu leeya Kamera Video oo TOOS u socda saacad walbaa !!!

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 0

  5. mandeeq says:

    wlh waa yaab hadu 60 jirkina naa iidbayo waa waxan isku kenay anaga ee antartib uhadalno marka buska lasaran yahay telefanada an iska yareyno waxa laga yabaa in ay saran yiihyn dad na hadalöka dher udul qadakarin

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  6. jey says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 2 Thumb down 10

  7. la qabso says:

    runtii dhacdooyin noocaan ah way ku dhacayaan soomaalida khaasatan dumarka soomaalida oo aan waligood il baxaynin, markay banaanka joogaan talefan kuma hadlayaan markii ay baska soo fuusho unbay bilaabayaa oo xitaa kor u qaylinayaan taaso ah jaahil nimo cad sababtoo ah dadkaan baska saaraan talefon la,aan ma hayso ee waxay ixtiraamayaan umada la saaran baska marka haweenka soomaalida taas hadii ay ka waantoobi waayan dan baa dhagaha loogu dhufan waana runtiis ninkaas wadanka sida looga dhaqmo ayuu barayay wax cunsurimo ahna kuma dheehna waa hadii aan runta isu sheegayno

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 3 Thumb down 5

  8. Abubakr says:

    Walaahi shalay ayaan kusoo qoray Comments kusaabsan iney arintay dhaceyso anoo aqriyay maqaal kale oo uu soo qaray website kan oo ahayd iney la sawiray naag bank ka lacag kala baxaysa oo waliba lagu qoray hadalo aan fiicneyn. calaakuli xaal Somali waxay arintaan ugu bixi kartaa midnimo iyo ayagoo is jeclaado oo qabiilka meel iska dhiga, hadii kale midan mid ka sii fool xun ayaa ladhicidoonta. aniga mar walbo Somali ayaan eeda korka ka saarayaa. waxa caadada noo ah oo dadka kale dhiba ma garaneyno inaan yareyno ama aan deyno SIDA MOBILE KA OO COD DHEER LOOGU HADLO DARIIQ AMA BAS waxay ahaataba, balse hada ma ahan gabar telfon ku hadlaysay ayaa nin garaacay. ee waxay sidee looga baxaa?!!!

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  9. Abdi2001 says:

    Aqyaarta webka aqrisato kuligiin waad salaamantihiin, horta ciladaha aan leenahay hadaan somaali nahay waa isku raacasanahay taas dood muku jirto. Waxaa kaloo xusnaan mudan dalka sweden qowmiyada kaladuwan ayaa ku nool, mana la’arkin in wax laga sheego mise gacanloo qaado. Su’aal wexey tahay hadaan somaali nahay waxaa naga dhexeyso danguud ah, ileen sweden aan iskula wada noolnahay. Marka waxaa muhiim eh in aan fahano dant naga wada dhexeyso iyo sida aan u difaacanleheen. Marka walaalayaal qofwalibo naftaada ka bilaaw isbadal kusamee, nadaamka ilaali, aqoon raadi, dadka oo aad isku ra’iga tihiin oo walaalaha soomalida eh oo aad islla jaanqaadi kartaan kula heshi danihiina iyo wanaaga soomalida sweden kunool sida loo badin lahaa. Qabiilne waxaakaga filan dalkeeyno sida uu maanta yahay. Rajo waa jirtaa haddii mar la’arkay cilada naheysato oo aan isku wada raacsanahay in aan nahay dad aad iyo aad u qaldan xalkane waakeeni karnaa. intaas waa ra’igeyga. mahadsanidiin. Wabillahi tawfiiq.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  10. Josef says:

    Waaa sax dhaqanka wadanka wa in labaraa Gabaha Somaaliyeed waxaan ku nacay Jalbaabka iyo dhagta inta u dhexeeso ayaa Talefan gashanayaan maantoo dhan hadlayaaan …jävla idioter waaye.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  11. kadir says:

    waxaan qabaa gabadhaas iyada inay miskiin ahayd inay isla markaa booliiska wacato ayay ahayd si ninka gacanta loogu dhigo cunsuriga xun qofna lagama yeelo inuu kugu xad gudbo

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  12. ASAD says:

    ASC.ANIGE WAXAAY ILATAHAY WAX KASTO OO QALAD AH OO DHACO IN GACANKAHADAL EY QALAD WEYN TAHAY WAXAANA LAGA RABAY GABDHA IN NINKA CUNSURIGA AH EY ISKU DUUBTO OO EY KUDHAGTO OO BOLISKA WACATO OO EY DHAHDO MARNABA NINKAAN MADEYNAAYI WAA IN BOLISKA YIMAADO QOF GACAN KUUQAADAY ADIGOO DUMAR AH INAAD ISKA AAMUSTID OO ISKA DAGTID WAA QALAD NINKE WUXUU RABO HA AHAADO XATTAA BOLIS HADUU YAHAY XAQ UMALAHA INUU GACAN UQAADO QOF AAN WAX DANBI AH GALIN EE BROBLEEMKE WAXAA WAAYE NAAGTA SOMALIDA AH OO AAN AQOONIN NIDAAMKA AMA IYADOO BAQDAY MARKE NINKAAS CUNSURIGA AH NAAGKALOO SOMALI AH AYUU GARAACAAYAA MARKE TAAS WAA QALAD IN LADAAYO QOF GACAN KUU QAADAY OK TANKALE NAAGAHA SOMALIYEED HA XISHOODEEN WAA CEEB MEEL BABLIK AH INEY TALEFOON COD DHEER KU HADLAAN SWEDHESHKE HADIIBA EY MOBILKUHADLAAYAAN INTOODA BADAN CODKOODA LAMA MAQLO WAA HADII BABLIK EY JOOGAAN MARKE TAAS WAA QALADA LAAKIIN QOFNE XAQ UMALAHA INUU QOFKALE GACAN UQAADO SABAB LA AAN

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  13. xussen says:

    asc wsm DIG NIIN IYO TALO Somaliyeey marka hure gabartaas caafimaad alla siiyo mar labaad somalida waxan uga digayaa 3 arin 1 ina eey lafadhiisan kursi dadka iswiidhishkaa oo kaween 56 sano 2 ina eeyna ku hadlin lafeefoonka ina eey arfadhiyaan qofkaas waayeelkaa .3 ina eeyna lasheekeeysan qof fadhiyo kursi kale sida midka kadabeeyo ama midka kahureeyo .4 waa ina eey fiiriyaan qofkaani ma cabsanyahay mase marka aan sheegayo arimahaan ma ahan ina eey iifahmaan dadka qaar ina aan ahey qof diidan dadkaan lafadhiisigooga ee waxan kala bad baadinayaa labo arin somalida marka eey foolaan marka waa kadabeecad ina eey lahadlaan qof fadhiyo kursiga kadabeeyo ama kan kahureeyo oomarkaas aad mudid ina oow usheekeeynayo dadka dhan oosaaran baska mida taleefoonka ina aan kur uhadalno waa naga dabeecad . mida iswedhishka dadka 56sano kaween gibi ahaan weey dhibayaan dhawaq dheer loqad kasta oow ku hadlaba . waxa kaloojira kuwa diidan ajaanimka marka eey soocabaan qabriga wax yaalaha eey sameeynaan mararka qaar waa aflagaado iyo ina eey gacan qaadaan xiligaas oow cabsanyahay qof cabsan iyo qof beeshin ah labadaas iska ilaaliya markaas saaran tihiin baska somaliyeey . aniga waxan intaan joogay waan arkay inta aan idii sheegay markaan laba bartay kadib hadii oow soofadhiisto kursiga aan fadhiyo qof cabsan ama qof beeshin ah waan uga istaagaa hada . qofka hadoowna cabsaneen ama oowsan aheen beeshin waan lafadhiisanayaa waa yoo kuwaasi waxeey haleeyaan waad soodhacsan kartaa hadii aadan adiga qaldaneen mida ugu dabeeydo waa taladeeydee diriskaada hadoow yahay qof beeshin ah ugow dhawaan waalagu soodacweeyna yaa halmar hadeey maqlaan codkaada weeyna doobayaan sibirikamaalin oow ugu noqdo markaadi . tani waa arahtideeyda iyo waxyaabaha aan ku arkay intaan joogay swedhan aniga . waan hubaa qofkii ufiirsadaa ina oow arkaayo . dadka soobooqda somaliska qofka asigoon caaytamin hasoosheego waxoow arkay iyo sida oow yahay xalka waad mahadsantahiin dhamaantiin waxaan qalday kuleey waxa saxaayo maamulka somaliska .

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  14. Nimco says:

    ASc wr wb marka hoore waan idiin salamaay dhaaman tiin hadaan fikirkeyga kaa dhiibto somalida kunol sweden Aniga waan layaabanahaay max yeelay waa dad yaab leeh Walahi anigabo dhiibsado Marley buss saraan yihiin dhaqaan kooda AMa telka Haa ku hadlaan AMa Haa sheekestan intaas wax udheer waxeey soo marsadan cataar xoog badaan sii ood aah waxane jiiro qof jiiran aan caraftas xamili kariin maarka qarkod wax ku fikiraa yaa kadhaliyay Somali seey udhaqmayaan wax ladhaaho cunduri majiiran anaga dafkan wadaan kodaa u imaanaay hadanee waa inaan ulaadhaqana siifican skolan haadi lajogo xiiita telka 10 jeer waa soo dhacayaa markasaa lalaa baxayaa AMa fasalka dhaxdisaa laagu hadlaya markaa Waxan dhihi lahaay Somali dadkii haayo dad waa haayan dhaqankoda aad uxuun marasa Waxan af kabaranaay eraayga cuunsuri aad tahaay oleey Waxan dhihilahaay aqlaqda bartaa dadkinane dhinaac karacaa maxa idinkaa taakoray waa qaab daratinaa buss dheekada iyo telka kadayaa wax badaan markalee ood ku haadashin guryahina Somali qaabdaro toosa haane islaa sax naanina ASc er wb by dhaamantin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  15. Suza says:

    War ha la dilo naaga aha iyo nimankaba waay istaagilaan ma dhulkoodii hooyo baay joogaan maxaa kaantarool u diiday anagaa ka xishoona marka aan tareenka iyo basaka raacno inan ag fadhiisano markay telka ku hadlayaan qayladoda wuxuu dhahay ninku waxaan barayaa dhaqanka wadankan waa runtii waa in la baraa dhaqanka waay iska so galene amrkaad aragti sida cawaanka bay u dhaqmayaan dadkani xishooda baan odhan lahaa waliba dumarka diinteena baa qabta in hoos codka loo dhigo iyagana xaga ugu danbaysa ilaa xaga ugu horysa baa laga maqlayaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  16. Kingsson king says:

    Englishka ayaa ku maahmaaha if you go to Roma do as Romans, Somaliduna waxay tidhaahdaa hadaad tagto magaalo laga il la’ yahay il baa la is tiraa adna.
    Waxaan uuga socdaa waxaan arkay Somali Badan oo buska telefonka aad uugu hadla wiliba si dhawaaq dheer, Marka kuwaasoo kale way ubaahan yihiin wax xeerka wadanka iyo edebtaba barta. Waa qayb edaabta kamida inaad ixtiraamto qof ka ku agfadhiya.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0