Gabar Soomaali ah oo qatar ugu jirta in laga musaafuriyo Sweden

Gabar Soomaali ah oo haysa caruur ay hooyadood ku geeriyootay bishii Janaayo shil ka dhacay agagaarka Södertälje ayaa saidaqatar ugu jirta in laga musaafuriyo wadanka Sweden. Gabadhaan oo lagu magacaabo Saida Ahmed Rashid oo ku nool magaalada Nyköping ayaa haysa caruur ay walaalo yihiin balse Laanta Socdaalka Sweden ayaa aaminsan in Saida aysan la dhalan caruurtaan isla markaana ay ka soo jeedo Kenya.

Laanta Socdaalka ayaa sheegtay in aysan aaminsanayn sheekada ay ku dacwootay gabadhaan isla markaana aysan iswaafaqsanayn kiiska hooyada geeriyootay iyo gabadhaan. Hooyada ayaa la sheegay markii ay Isdhiibtay in ay sheegatay in gabar ay Soomaaliya uga soo tagtay balse Laanta Socdaalka ayaa sheegay in lahjada Saida iyo hooyadeed uu u dhexeeyo farqi aad u balaaran.

Caruurta yaryar oo ay hada hayso gabadha ayaa lagu wareejin doonaa cid daryeesha, iyadoo Hay’ada Bulshada (Socialtjänsten) ay Laanta Socdaalka ugu baaqday in iyadoo la eegayo danta caruurta gabadha la siiyo sharciga. Saida ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in laga qaado DNA si loo  cadeeyo in ay la dhalatay caruurta balse Laanta Socdaalka ayaa u muuqtaa mid aan xiisanayn arintaas. Waxay sheegeen in ay iska cadahay in gabadhaan ay ka timid Kenya isla markaana aysan qaraabo lahayn caruurta.

Saida ayaa hada looga yeeray xabsiga ku yaala Flen ee Laanta Socdaalka ay ku xareyso dadka la musaafurinayo. Arinta gabadhaan oo lagu soo qoray wargeyska ugu waaweyn Sweden sida Aftonbladet ayaa culeys ku saareysa Laanta Socdaalka in ay wax ka badasho arinta gabadhaan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

20 Responses

  1. F.M says:

    Wadanka see ku timid caruura hadaysan la dhalanw aaba yaab,e ma fahmin sheekadaan. Hooyaduase sow awal uma dacwoon ileyn inay ka amqan tahay ayey hoe u sheegtee sowse looma keenin haday u dacwootay oo sidaasna awal kuma wada mideysneyn dhamantood,waa maxay sheekadaan akle hada.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 4

  2. F.M says:

    Wadanka see ku timid caruura hadaysan la dhalanw aaba yaab,e ma fahmin sheekadaan. Hooyaduase sow awal uma dacwoon ileyn inay ka amqan tahay ayey hoe u sheegtee sowse looma keenin haday u dacwootay oo sidaasna awal kuma wada mideysneyn dhamantood,waa maxay sheekadaan kale hada.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  3. jeylaani says:

    wa arin laga naxo tankale waxa diiday in laga qaaado cadaynta ugu danbaysa ee DNA wayo dadka somalida ah 20 kii sano ugu danbeyey waxa lagu arkayey dad wada dhashay hadana melo kaladuwan ku kala barbaray oo isku lahjad iyo aragtiba ahayn marka wa sharcidaro taas waxana muqata in ayraban ciyalka inay si sahal ah kula waregaan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  4. Najma says:

    asc subxanalah marka hore wad salamtin wabsedka somaliska.com aniga ma fahmin sheekadan caruurta abahod away gabadhase maxey isku yihin in ad i fah fahisan ayan jecla laha wadna mahadsantihin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. ISTIILA BOLOGNA says:

    F.M iyo najamo sheekada fahma waxaa ladhahay hooyada dhimatay allaha unaxriste ayaa mar kale is dhiibtay that is why eeysan iskugu qorneen hooyada iyo gabadhu ilaahey haka qabto gaaladan gabadha walashen ah aan aan uso duceyno walaalayal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Amina says:

    Asc waa sheeko cajiib ah wanka naxay runtii wan akhrinwayey indhahayga ilmodarte wan uduceyey markan afuray marka walalayaa usoo ducey ilaah hanoo aqbalo caruurtu waa kuwenokale ilaahow walashod sharci khayrqaba sii insha Allah ilaahow wadan gaalo hanagudilin aniyo intii muslinah

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  7. Ramadaan Kariim,

    Dhibta haysata umada afsomaliga ku haddashaa waa aqoonsi la,aan marka hore ee dalka ay yimaadan cadayn karta halkuu ku dhashay iyo familygiisa inta qofood ee ka kooban yahay.

    Ta ugu weyn ee kalana waxaa laga yabaa in marka hore dacwada laanta socdaalka uu qofku isku dhiibo bilowga imaanshihiisa sweden inaanu tixgelin siin in qaraabadiisa joogta ee ka soo horeysay ama iman karta waafajiyo ku daro ama sheegtoba, isagoo culuska saara oo kaliya naftiisa oo qudha sidii sharci u heli lahaa uun oo cabsi badan iyo fahan la,aani ka hayso arrinta qaraabo qorashada.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. somali citizen says:

    Aadban uga xumay aniga gabarta isku xafad ayan daganay kenyatiga lagu shegayo, somalidi xiligay kenyati noqden ayaan la yabay allah hasahllo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. sofia says:

    asc ARIBKA 2SANO DHIBKIISU WUU BATAY WALINA DIIDMO AYAA SOCOTA MARKAA 15AUGST WAXA JIRA JIRA SHIR BALAADHAN OO ARINKA DADKA DHIBKU HAYTSO AY LA KULOMAYAAN HAAYADO CAALAMIAH HA LAGA SOO QAYB GALO WIXII FAAHFAAHIN AH KALA XIDHIIDHA 0767413038

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 5

  10. SOMBOY says:

    asc dhaman akhyarta webka waan salamayaa arinta gabadhana aad ayaan uga xumahay lkn aniga waxaan ku talinlahaa ciyaalka wadanka halaga saaro meelo kale halaga dhiibo haday galada gacanta ugalaan ayaa daran gabadhu calafkeeda ayay qabtaa lkn caruurta yar yar ee aan wax qaraabo ah oo loo aqoonsayahay aysan jirin haday qataan waa khalaas dib looma arkayo markaa halaga raaro ayaan oran lahaa inantana waan u ducaynaynaa in ilahay sharciga uga soo qaado

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Casha says:

    Arinta 2 sano warkeeda ma cada Safiya iyo Amina mar kasta Didmadii weey socotaa unbaa heeysaan, ma dadkaa in aad ka naxisaan ayaad rabtaan mise war ayaad heeysaan.hadaad heeysiin soo gudbiya warbixin cad hadeeyba jiraan dad ogolaansha mise diidmo haaya. Dadka yaan la murjin bes warbixinta lee aan is dhaafsana.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  12. sumaya says:

    ujeedad loo socdo ma ahan sacdiyo ee waa caruurta ee fadan dadka ku qarabta magaca komintii manta wax hau qabtaan caruurta ujeedad loo celinayo caruurta baaldoonayaa in gaalo gacanta loo galiyo balse alle baaka weyn alle hanoobad baadiyo caruurteen meeqo iyagoo kenyan ama cidey donaan hau dhashane sharciga lasiinayay gaalo marka eysan dan kaaleheen bentaad donto aqri ama run sheeg kuuma joojinayaa lkn malintey tood rabaan hadaad donto run sheeg waxba kaam yeelayaa.ilaahoow umadeen usoo dagaagtay dhulgaalo aloow nagu xifdi anag & duriyadeen & muslimiintoo dhan sacdiyan aloow gacantii sareysa ku dar.Amiin

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  13. yuusuf caliqaabe says:

    waa waxa laganaxaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. abyan says:

    asc walaalaha muslimiinta ah dhamaan run ahaantii aad ayaan uga xumahay arintan haysata caruurtaan soomaaliyeed iyo walaashoood waxaan ilaahay uga baryayaa inuu culeyska ka dul qaado walaashoodna sharci uga soo sahlo gaalada kheyr inay ku dhamaato ayaan rajaynayaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. fardoso says:

    wlh waxa laganaxo waye ilahow qatumada no tosi

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Amina says:

    Asc casha walal aniga weli waxan sugayaa migration weli lakii Sofia waxay haysataa didmoyinbadan iyo dadbadan oo lasoxiriray marka abaayo waxan jecelahay khyr ka ilaah sharka hanaga hayo insha Allah aniga waxii jawab ah wad igahelaysan iyadoca marka waxan ka codsaneynaa dad ka soqorayawaxba la, ogoladay hakenana cadayn cash thnks

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  17. Casha says:

    waad mahadsantahay Amina. Allah no wada sahlo kheerka kuligeyn.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  18. SCADEEEY says:

    waxaa laka yabaa hooyada ama gabadha qofba dhinac in aay u timid eena is sheegan taas ayaa yeleso in leesku diido isa shekatada wee aay wanagsan tahay hooyo hadee ilmaheda kaso horeyaan ama gabar yahen hadee hoyada kasoo horeso wad dhihi karta hoyo ayaa meshaan ika maqan cml mana aqaan meel aay ku sugan tahay wax walba marka kadib xal ayaa loo helayaa ee illahay hanaka qabto galadaaan dhankooda kheeyrka illahay hana waa fajiyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. Xumeyraa says:

    Subhan Allah! waa war naxdin leh Allaha ka badbaadiyo Gaalada ilmaha & gabadha walaasheen ahba weliba saaaid Ilmahaa wax loo naxo ah cz waa caruur la badali karo, Ilaahoow u xafid Diintooda iyo sharaftoodaba Catuurta #Aameen.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0