Gabar Soomaali ah oo sheegtay in candhuufo lagu tufo marka ay wadada marayso

5

Gabar Soomaali ah oo lagu magacaabo  Ramla Abdullahi oo ku nool magaalada Göteborg ayaa mowduuc ay ku qortay wargeyska caanka ah ee Expressen waxay kaga hadashay dareenkeeda ku aadan cunsuriyada ay la kulanto maalin kasta.

Ramla ayaa sheegtay in ay tahay gabar 19 sano jir Muslim ah, oo xirata xijaabka isla markaana Afrikaan ah. Waxay ka hadashay dhacdooyinka cunsuriyada ee ay la kulanto, sida in ragga qaarkiis ay ku yiraahdaan hadalo aflagaado ah, in qaar ay si qaab daro ah u fiiriyaan, halka qaar ay candhuufo ku tufaan iyo in iskuulkii ay shaqo ka raadsatay ay waji xumo u muujiyaan maadaama ay tahay soo galooti.

Ramla ayaa sheegtay in ay 7 sano ka hor u soo guudhay Sweden iyadoo wax badan ka baratay bulshada Sweden. Waxay sheegtay in ay noqotay waxa loo yaqaan “feminist” taasoo ay ku tilmaamtay in ay tahay in dumarku ay u istaagaan xoriyadooda. Waxay intaas ku dartay in ay ku faraxsantahay in ay xirato xijaabka, in ay Soomaalia ka soo jeeda iyo wadanka Sweden labadaba.

Ramla ayaa cambaareyn u jeedisay dadka sida hoose u fiiriya maadaama ay tahay dumarka xijaab xiran oo Afrikaan ah, iyadoo kuwaas ku habaartay in ay naarta galaan.

Ramla Abdullahi ayaa hada dhigata jaamacada Göteborg iyadoo noqon doonta macalimad. Mowduuca ay qortay gabadhaan geesiyada ah ayaa si weyn looga akhristay bogga Expressen iyadoo kumanaan qof ay ku sii qoreen boga Facebook..

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here