Gabar Soomaali ah oo Sweden caafimaad u diiday oo Australia ogolaatay

6

Gabar Soomaali ah oo lagu magacaabo Ayaan taasoo wajiga dhaawac uga yaalo ayaa Viso caafimaad looga ogalaaday wadanka Australia. Gabadhaan oo 10 sano ah ka daba wareegeysay in ay hesho qaliin wajiga ah ayaa la soo xiriirtay wadanka Sweden, iyadoo qaasatan gabadha lagu magacaabo Lena Rösell ay isku day’day in ay caawiso.

Ka dib xiriir ay la samaysay dhaqtar ka shaqeeya hospitaalka Karolinska ee ku yaala Stockholm oo cadeeyay in gabadhaan wajigeeda la daaweyn karo ayay ugu dambeyntii sheegeen in aysan bilaash ku samayn karin qaliinka. Ka dib xiligaas ayuu dhamaaday xiriirkii Swedeni, iyadoo ka dib urur lagu magacaabo Change.org ay bilaabeen olole dowlada Australia looga dhaadhicinayo in ay gabadhaan viso caafimaad siiso. Ururka Change.org ayaa saxiix ka soo ururiyay 40,000 qof oo codsaday in gabadhaan Australia lagu daaweeyo. 

Bishaan ayaa gabadha Soomaalida ah loo ogolaaday in ay hesho viisaha caafimaadka, iyadoo qaliinka lagu samayn doono magaalada Brisbane ee wadanka Australia.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here