Kamuunka Uppsala ayaa lagu amray in ay dhiibaan 60,000 oo Koron oo ay siiyaan reerka ay ka soo jeedo gabar yar ee Soomaaliyeed oo lagu qasbay in ay baaritaan marto in ay gudantahay iyo in kale. Shaqaalaha u shaqeeya Kamuunka Uppsala ayaa ku qasbay gabadha yar ee 10 jirka ay in ay baaritaan marto si ay u ogaadaan in la soo guday iyo in kale mar iyada iyo reerkeeda ay ku tageen booqasho dalka Kenya sanadkii 2004. Waalidka gabadha yar ayaa maxkamad la fuuley shaqaalaha Kamuunta , iyadoo maxkamadu xukuntay in waxa lagu sameeyay gabadha yar ay aheyd cunsuriyeen ku dhisan maadaama ay ka soo jeeday Soomaaliya. Maxkamada ayaa tiri " waxa ay sameeyeen shaqaalaha kamuunka waxa ay ku dhisneyd dhalashada waalidka oo kaliya iyadoo laga booday xuquuqda gabadha yar iyo sharciga" Shaqaalaha Kamuunka ayaa ku dooday in waalidka gabadha yar ay diideen in ay la shaqeeyaan baaritaanka ay wadeen, balse maxkamadu way diiday hadalkaas. Waalidka gabadha ayaa waxaa la siin doonaa midkiiba 15,000 Kronor, halka gabadha yarna la siin doono 30,000 Kronor. Waxaa qoray warkeyga TheLocal.se

Gabar soomaaliyeed oo maxkamad ku guuleysatay

Kamuunka Uppsala ayaa lagu amray in ay dhiibaan 60,000 oo Koron oo ay siiyaan reerka ay ka soo jeedo gabar yar ee Soomaaliyeed oo lagu qasbay in ay baaritaan marto in ay gudantahay iyo in kale.

Shaqaalaha u shaqeeya Kamuunka Uppsala ayaa ku qasbay gabadha yar ee 10 jirka ay in ay baaritaan marto si ay u ogaadaan in la soo guday iyo in kale mar iyada iyo reerkeeda ay ku tageen booqasho dalka Kenya sanadkii 2004.

Waalidka gabadha yar ayaa maxkamad la fuuley shaqaalaha Kamuunta , iyadoo maxkamadu xukuntay in waxa lagu sameeyay gabadha yar ay aheyd cunsuriyeen ku dhisan maadaama ay ka soo jeeday Soomaaliya.

Maxkamada ayaa tiri ” waxa ay sameeyeen shaqaalaha kamuunka waxa ay ku dhisneyd dhalashada waalidka oo kaliya iyadoo laga booday xuquuqda gabadha yar iyo sharciga”

Shaqaalaha Kamuunka ayaa ku dooday in waalidka gabadha yar ay diideen in ay la shaqeeyaan baaritaanka ay wadeen, balse maxkamadu way diiday hadalkaas.

Waalidka gabadha ayaa waxaa la siin doonaa midkiiba 15,000 Kronor, halka gabadha yarna la siin doono 30,000 Kronor.

Waxaa qoray warkeyga TheLocal.se

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa’idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su’aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa’ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

2 Responses

  1. mahad cisman says:

    a/s/c walal waxan no weydisa sababta logu celinayo dadka talyaniga iyado oo aan ognahay iney dhibato fara badan ka jirto italia oo dadku wax eey cunan iyo meel eey seexdanba aan helan.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Walaal mahad arintaas waa go’aanka Dublin ee u yaala midowga Yurub. Sweden ma aamin sana hada in xaalada qaxootiga ee dalka talyaaniga ay sidaas u liidato.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 1