Gabar Soomaliyeed oo la musaafurinayo

46

Hay’adda socdaalka ee Sweden ayaa go’aan ku gaartay inay masaafuriso Fadwo Maxamed Xuseen oo ah gabar Soomaaliyeed oo 19 jir ah kuna nool tuulo lagu magacaabo Blattnicksele oo ka tirsan Kommunka Sorsele ee gobolka Västerbotten. Hay’adda ayaa u cuskatay go’aankeeda in Fadwo ay ku hadlaysay lahjad qaldan taasoo bay tibaaxeen ka hor imaanaysa hadalkeeda ahaa inay ka timid Muqdisho.

Hay’adda socdaalka (Migrationsverket) oo qaaday baaritaan cod oo socday 9 daqiiqo ayaa aaminsan in Fadwo ay ka timid woqooyiga Soomaaliya ee Somaliland halka maxkamadda sare ee socdaalku (Migrationsöverdomstolen) ay horey diidmo uga bixisay in kiiska Fadwo dib loogu noqdo. Karin Israelsson oo xubin ka ah golaha kommunka Sorsele ayaa codsi dacwo ah (appeal) u dirta maxkamadda si looga fiirsado in hadii Fadwo lagu celiyo Soomaaliya ay la kulmi karto khatar sida gudniinta fircooniga iwm.

Fadwa oo mar dhow 19 da’deedu noqonayso ayaanan aqoon halka ay hooyadeed iyo
walaalaheed ku sugan yihiin iyadoo sheegtay inay mar walba ka baqayso in boolisku u
yimaado oo kaxaysto si loogu celiyo Soomaaliya.

”Waa wax la yaab leh inay arintaas lahjadda darteed u masaafuriyaan. Waan arkaynaa waxay maxkamaddu samayso. Lakiin si kastaba ha ahaatee ma masaafurin karaan inta arinteedu socoto” ayay tiri Karin Israelsson.

Fadwo oo la dagan islaan Swedish ah oo lagu magacaabo
Tuula Halonen Brännlund ayaa sheegtay inay kasoo carartay Muqdisho sanad iyo bar ka hor
iyadoo lasoo carartay nafteeda kadib markii aabeheed la dilay iyadoo waliba la doonayay in
si qasab ah loogu guurinayo nin oday ah. Hadaba islaanta ay Fadwo la joogto iyo saygeeda Thomas Brännlunda iyo maamulka Kommunka Sorsele ayaan dhamaan ka rajo dhigin, iyagoo dadaal ugu jira sidii go’aankaas wax looga badali lahaa.

WD: Mohamed Said Kulmie, Malung

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here