Gabar xijaabka dartiis shaqo loogu diiday oo dacweysay shirkadii

12

Gabar Muslimad ah oo lagu magacaabo Merdieh Alrobeyi ayaa shaqo ka dalbatay hoteelka lagu magacaabo hijabRonneby Brunn oo ku yaala degmada Ronneby. Ka dib markii wareysiga shaqada laga qaaday ayaa loo sheegay in aan shaqada la siin karin maadaama ay xijaab xirato.

Gabadhaan ayaa dacwad u gudbisay xeer ilaaliyaha ka hortaga cunsuriyada (Diskrimineringsombudsmannen, DO). balse ninkii shaqada u diiday ayaa sheegay sababta loogu diiday shaqada in ay tahay in aysan aqoon u lahayn shaqada, nasiib wanaagse  gabadhaan ayaa cajalad ka duubtay hadalkii uu ku yiri ninka shaqada bixinayay.

DO ayaa go’aamisay in qaabka loola dhaqmay gabadhaan ay tahay mid cunsuriyad ah, maadaama ay fursada u diidayaan dhamaan dadka xirta Xijaabka diintooda darteed. DO ayaa hada shirkada iska leh hoteelka waxay la fuushay maxkamada shaqada (Arbetsdomstolen) iyagoo dalbanaya 50.000kr oo gabadha la siinayo.

Arintaan ayaa ah mid farxad leh iyadoo shirkadaha nuucana ah ee dadka shaqada ugu diida diintooda dartood ay la kulmayaan cinqaab adag. Ma ahan markii ugu horeysay ee DO ay shirkad maxkamad saartay ka dib markii ay cunsuriyad u geysteen qof Muslim ah. Sanadkii hore ayaa sidaan oo kale gabar Muslimad ah oo baraatiik loo diiday ay maxkamad  saartay shirkad ku taala Malmö.

 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here