Gabdhaha Muslimiinta ah oo goob ay ku dabaashaan ka helay Katrineholm

Ardada dhigata fasalka sagaalaad ayaa waxaa qasab ku ah in ay yaqaanaan dabaasha haddii ay doonayaan in ay dhibco ka helaan maadaama isboortiga balse gabdho badan oo Muslimiin ah, qaasata Soomaalida ayaan aadin dabaasha sababtoo ah wiilasha iyo gabadha oo isku goob ku dabaasha.

Guriga dabaasha ee lagu magacaabo Duveholmsbadet ee ku yaala magaalada Katrineholm ayaa mudo ka hor u qorsheeyay gabdhaha Muslimiinta ah waqti gaar ah oo ay iyaga kaliya u xirantahay goobta oo dhan. Ardada ka socota iskuulka ayaa yimaada xiligaas iyadoo ay la socdaan macalimiin dumar ah oo baraya sida loo dabaasho.

Gabdho badan oo Soomaali ah kuna nool magaalada Katrineholm ayaa ka faaidaystay fursadaan oo aan laga helin inta badan  magaalooyinka Sweden. Ardada qaar oo la wareystay ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin in ay helaan waqti u gaar ah oo aysan ka cabsi qabin in wiilasha ay la dabaashaan.

Mid ka mid ah macalimiinta dabaasha oo lagu magacaabo Susanne Bergström ayaa wargeyska Kkuriren u sheegtay sida ay ugu faraxsantahay in gabdhaha la siiyo xili gaar u ah. Waxay wargeyska u sheegtay in gabdhaha inta ka badan ka soo jeeda Soomaaliya aysan aqoon sida loo dabaasho markii ay bilaabeen casharada balse hada ay la qabsadeen.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

14 Responses

  1. Haykal abdi says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 5

  2. Khadija says:

    Walaalow bal wax hubso oo si fiican u aqri intaadan commentigaaga qorin waayo sida warbixintaba ku qoran waxaa lagu yiri: waqti gaara oo ay goobtu u xiran tahay gabdhaha muslimaadka ah ooy ku dabaashaan iyaga keligood goobta. Marka waxaa ila haboon inaad qaladka iska saxdo ileyn sida aad wax u qortey meesha ma ahane, gabadhahana waa gabdho ku mintidey iney helaan waqti u gaara si eysan ragga u dhex galin Allana waa u saqirey Alxamdulilaah.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 1

  3. C/rashid xidig says:

    Khadijo ha uqil bixinin kuwan islamnimadoda sax ma,ahan dinta islamka kuma banano in gabar muslim ah ladabalato mid gaal ah rag iskabadaye micnaha susana so gaal ma,ahan,

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

    • hassan says:

      asc walakeey cabdi rashiid halkee ku nooshahay . ayad inoo keyn oo dhaheeso gabar gaal ah lama dabalan karo gabar muslim ah adigaba skuul aya la dhigataa qof gaal markaas aya leedahay gaal

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  4. DJfeelgood says:

    Yarka comment -ga bilaabay Haykal abdi sawirka ayuu arkay gadaal 2 wiil/ragg ayaa taagan laakiin gabdhahana qaar ayaa asturan adinkana qoraalka ayaad akhriseen Yaab.com lakiin aniga diintooda wabxa kama shegaayi.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  5. DJfeelgood says:

    Yarka comment -ga bilaabay Haykal abdi sawirka ayuu arkay gadaal 2 wiil/ragg ayaa taagan laakiin gabdhahana qaar ayaa asturan adinkana qoraalka ayaad akhriseen Yaab.com lakiin aniga diintooda wabxa kama shegi karo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • bushra xaaji says:

      a s c maxey diinta ka qabtaa adoo gaber muslimad ah inaad gaber gaala ah la ndabaalated

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. omar says:

    Asc aqyaarey kuligiin iyo jimcaalaba wan idiin salaamey soomaalaay hadii aadba diin ka hadleysaan wadamada gaalada in loo haajiro ayaaba qalad ah in qof muslim dhiigiisa la baneysto ayaa qaladba ah in xaaraanta la quutaa qaladba ah in idinkoo isqaba wan kala tagnay aad tiraahdaan ayaaba qalad ah in walaashaa ama walalkaa waa naagteyda ama waa ninkeyga la yiraa ayaaba qaladba ah intaas oo isbiirsatey markii ay cadaato in ayba qalad yihiin maxaa nala gudboon soomaalaay wad mahadsan tihiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. nafta says:

    omar waa runtaaa ankaa ayabaa waxan kuu imanaay waxan dintaa qabin hadanaa waxan shegnaay dacwo ben ah markasan galdii wax kaa shegeynaa wallhi galadaa wax ay nagaa haleyen maa lahan hadeyba naga yelayan dabshi in gabdhaaha muslimka ah malintoda la siyo masha allah wan ku farxsanahy illhow danbigaa an ku imanaay halkan nagaa cafi iyo benta an dhisnaay oo an sheganay anako wadnkena ku dhex nolankarno yaa allaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Wadani says:

    Yaab Badana!!
    Gabdho muslim ah uma banaano in ay gaalo jirkeeda sharafta badan tusto iska dhaafe in ay la dubaalato ayadoo la hubin in la duubanaayo madaama ay meel walbe ku dhegen tahey CAMERA kuwa amaanka lagu sugo ama Kuwa looga duubanayo ayago ogeyn!
    Waxa Yaab Ah Marka Arkey Gabar Soomaali Ah oo Nin Beauty Saloon Ka shaqeeyo Timada Udabayo/feedhayo!
    Allow Hana Duleen Allow Na Dabo Qabo Kuu erga nahay!!
    Mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. C/rashid xidig says:

    To.hasan inamal mushrikuna najasun ayad quran ah ma,ahan miya? Iskuday inad fahantit sxb,wadani wad asibtay ma,banano gabar muslim ah inay gabar gaal ah jirkeda ubanayso sida timaha naasaha calosheda.ma xa lodiday?waxa lodiday gaal wa duli wether is a women or men.muslimna wa cizi.badalki aad laqosli lahayd la cyaari lahayd ogasheke dinta,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. hanad says:

    muslimiinta gabdha hooda sidaan umayalaaan walaalayaal yaan lagu doodin wax aan cilmi loolahen gabadha muslima da ah sifaheda waa mid iska cad oo ayaad quraanka kamid ah ayaa kusoodagay ilama ahan ineey kuwaan kujireen tusaalaha ayaadka quraaanka looga bixiayay gabdhaha muslimiinta ah cidkastee luntay ee aduunku lunsaday ilaah hasoo hanuuniyo wasalaamu caleekum waraxmatulaahi wabarakaat

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • xasan maxamed shuceyb says:

      asc waxaan kala yaabay somalida aqoon daridooda iyo fudedkooda ninka wado magaca haykal iyo cabdi rashiid xidig ma aqoon la aan ba idin heeso mase waxa idin dhiba gabdhaha asturan oo jooga swedan mase cayaal suuqnimo aya afkiina baraday nasiibka ay helken gabdhaha jooga magaalada katrine holm maad ka xuntihin mase in ay dharka dhigdan aya rabtaan xishooda oo gabdhaha waa walalihin iska daaya cayal suuqnimada ad ku hadleesan khadija iska da cayaalkan ha u jawaabin asc

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. Abdullahi says:

    a.s.m. aqyaarta gabdhaha halaga qaleeyo ficil iyo ficil la.aan maxaa yeelay dabaasha maka sayaan eee intay baranayaan haloo kaadsho w.w.w.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0