Gabdhaha Muslimiinta Xijaabka xirta oo bartilmaameed ka noqday Sweden

4

Isbuucaan waxaan soo qornay in gabar Muslimad ah oo uurleh lagu weeraray xaafada Farsta ee ka tirsan magaalada Stockholm.hijab Ka dib dhacdadaas ayaa waxaa mudaharaad ka dhacay Stockholm iyadoo siyaasiyiin badan iyo dumarka caadiga ah ee Swedishka ay xirteen xijaabka Muslimiinta si ay taageero ugu muujiyaan gabadha la weeraray.

Hadaba shalay ayaa waxaa dhacday in isla gabadhii horey loo weeraray mar labaad lagu weeraro xaafada Haninge ee ka tirsan Stockholm. Ragga weerarka ku qaaday gabadha oo dhowr nin ahaa ayaa dhaawacyo u geystay gabadha uurka leh iyagoo hanjabaad u jeediyay in ay la noqoto dacwada ay Booliska u gudbisay.

Ma ahan markii ugu horeysay ee gabadh Muslimad ah lagu weeraro Sweden, dhowr jeer ayay dhacday in dumar Muslimiin ah oo Soomaali ah weeraro loogu geystay Sweden. Qaar ayaa aflagaado loo geystay qaarna waa la dhagaxyeeyay iyagoo dambiga ay galeen uu yahay in ay xirteen xijaabka. Wadankaan oo ku faana xoriyada diinta ayay dhacdaa in xoriyadaas aysan aaminsanayn cunsuriyiinta iyo kuwa madaxa adag ee ka tirsan bulshada.

Waxaa ka sii daran in dumar isku sheegaya Muslimiin ay ka soo horjeedaan xijaabka oo ay borobogaando ka faafiyaan Xijaabja. Isbuucaan markii uu dhacay mudaharaadka lagu taageerayay Xijaabka Muslimiinta ah ayaa dumar ka soo jeeda wadanka Iran waxay warhaabinta ku qoreen in aysan wanaagsanayn in la taageero xijaabka, iyagoo ku sheegay in uu yahay calaamad muujinaysa cadaadiska ay raggu ku hayaan dumarka. Dumarka Muslimiinta ah ayaa si cad ugu celceliyay in aysan cidna ku qasbin xirashada xjiaabka balse ay fuliyanayaan waajibkooda diimeed isla markaana ay xoriyadooda ku qaateen xijaabka.

Sida Sweden ay dumarkooda xoriyada ugu leeyihiin in ay xirtaan dharka qafiifka ah , ayay muhiim tahay in dumarka Muslimiintana xaq u leeyihiin in ay xirtaan xijaabkooda. Balse waxaa muuqata in siyaasiyiinta cunsuriyiinta ah iyo kuwa kursi doonka ah ay ka faaideysanayaan been abuurka laga samaynayo haweenka Muslimiinta ah iyo guud ahaan Diinta Islaamka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here