Gabdhaha Soomaalida iyo ragga ajaanibta?

Gabdhaha Soomaalida ah maxay ku arkeen ragga ajaanibta ah? waa qodobkeena dooda ee maanta. Waxaan baaritaan ku sameeyay goobo ay ku kulmaan dhalinyarada Swedishka ah anigoo kula kulmay gabdho Soomaali ah oo markii aan la sheegeystay si daacad ah iigu waramay.

Gabdhahaan ayaa si cad iigu sheegay in aysan ka helin wiilasha Soomaalida sababo kala duwan owgeed. Labo ka mid ah gabdhaha ayaa ii cadeeyay in dooqoodu uu yahay ragga cadaanka ah (iyadoo aan loo kala sooceyn diintooda). Mar aan wax ka waydiiyay sababta ka dambeysa in aysan ka helin wiilasha Soomaalida ayaa gabdhaha qaar ii sheegeen in ay adagtahay in la aamino wiilasha Soomaalida, in aysan ahayd kuwo jaceylka si fiican wax uga yaqaana iwm. Qaasatan waxaan la yaabay in gabdhaha ay iska dhaleen Soomaalida iyo Swedishka aysan ka helin ragga Soomaalida. Arintaas ayaa loo aanayn karaa aabayaashood oo xumeeyay gabdhihii cadaanka ahaa ee ay guursadeen.

Qodobkeygu ma ahan in aan ka soo horjeedo guurka xalaasha ah ee u dhexeeya gabdhaha Soomaalida iyo ragga Muslimiinta cadaanka ah balse waxaan ka hadlayaa waa gabdhaha oo raggii Soomaalida ka door bida wiilasha cadaanka ah oo ay ku jiraan kuwa aan Muslimka ahayn.

Hadaba sidee u aragtaan arintaan. gabdhaha miyaa xumaaday? mise wiilasha ayaa fashil ku yimid oo gabdhihii ku qanci waayeen? doodu waa furantahay….

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

87 Responses

  1. faadumo says:

    asc subxanaalah ilaahay subxana watacala haka baqeen gabdha, & wiilasha. guursanaaya cadaanka. gaalada ah, ilaahay wuu inoo sheegay. inay cadowgeena yihiin. nabi muxamed scw marku lahadlayeey ilaahay. umadiisa, wuxuu yiri. raali ka noqoonmayaan, yuhuud,& nasaro. ilaa aad raacdo diintooda. maxaa cagaha ku geshay marka walaalayaal.aale xusuusta aduunka waa laga tegi qof kasta wuxuu shaqaysto buu leeyahay. ma beri baad dhimaan. ma maanta, ku xisaabtaan. rasuulka scw wuxuu yiri aduunka waa janada gaalda. muuminkana waa uu jeel. taas waxaa cadeen ina gaaldu jahanama ku waari. muuminkaana janada ilaahay. ilaahay halaga baqo,

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 1

  2. faadumo says:

    asc sorry walaalaha islaamka ilaahay ha ka baqeen mar & labaaba

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  3. samiira siciid says:

    ACUUDUBILAAH ILAAHAY KABAQA QOF ISLAAMAH OO GAAL GUURSADAY WAAKLAGA FIICAN YAHAY OO ILAAHAYBA UMA BANAYN INGAAL UU QOF ISLAAMA GUURSADO MIDA KALE GABDHAHAN KU FAANAYA NIN SOOMAA;LIYA KAMA HELO MUXUU U SIYAADINAYAA GAAL XUN OO BALAJO WAYN NAA ILAAHAY KABAQA OO ISKA DAAYA GAALA SHAN XUN EE AAD LA TUMANAYSAAN CUDUR YAANAY IDIN QAAD SIINEE

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

  4. suleeqo qalanjo says:

    asc arintaas waxaan u arkaa gabdhi soo maalida in ay diinta iyo dhaqanka ka tageen

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 3