Gabdho dhar la’aan ah oo galay masaajidka Stockholm

17

Sadex gabdhood oo ka tirsan urur lagu magacaabo Femen oo mudaharaadyo ka dhiga caalamka ayaa maanta galay masaajidka uppsala_mosqueStockholm. Gabdhahaan ayaa markii ay masaajidka galeen waxay iska bixiyeen dharka iyaga oo naasaha banaystay kuna qortay erayo ka soo horjeeda Islaamka iyo shareecada.

Ficilka ay ku kaceen gabdhahaan ayaa la yaab ku noqday maamulka masaajidka iyagoo durbadiiba booliska wacay. Booliska ayaa isla markiiba masaajidka yimid iyagoo meesha ka kaxeeyay. Gabdha masaajidka galay ayaa ka soo jeeda wadamada Tunisia, Masar iyo Sweden.

Ma ahan markii ugu horeeyay ee dumar ka tirsan ururka Femen ay iyaga oo dhar la’aan ah mudaharaad sameeyeen. Bishaan ayay ahayd markii ay kaniisad ku taala Talyaaniga galeen iyaga oo qaawan. Sidoo kale Ciyaarihii Euro 2012 ayay arbusheen iyaga oo dharka soo dhigtay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here