Gabdho Soomaaliyeed oo u dhoofay in ay ka qabgalaan dagaalka Suuriya

6

Ugu yaraan 6 gabdhood oo dhalinyaro ah ayaa bisha May dhaxdeeda waxa ay ka dhoofeen waddanka Sweden si ay u caawiyaan ama ugu qaybqaataan dagaallada jabhadaha muslimiinta ah ay ka wadaan waddanka Suuriya, sidaa waxaa yiri Gudoomiyaha ururka islaamiga ee Järva mudane Ibraahim Buraale.

Ibraahim ayaa muujiyey in ay cabsi badan jirto. Waallidiinta caruurta ka maqanyihiin ayaa ah kuwo aad u xishoonaya oo ka baqaya in ay caawimo waydiistaan, arrinku ma ́aha mid hagaagsan waa in aynu caawino waydiisanaa, islmarkaana  kahor tagnaa dhibaatada, sidaa waxaa yiri Gudoomiye Ibraahim.

Ugu yaraan 75 qof oo badidoodu yihiin rag ayaa waxay u dhoofeen dalka Suuriya si ay u caawiyaan ururka Al-qaacida. Bilowgii bishii may ayaa waxaa xaafada Rinkeby ka dhoofay 3 wallaalo ah 2 gabdhood iyo wiil. Labo todobaad kadibna waxaa dhoofay 4 gabdhood oo kale, 1 waxay deganayd xaafada Husby, midna Kista iyo Rinkeby iyo Hässelby.

Wararka waxaa la isla dhaxmaraya in gabdhaha ay u dhoofeen in ay guursdaan nimanka dagaalka wada, halka qaar kale ay sheegayaan gabdhuhu waxay caawinayaan jabhada dagaalka iyo kuwo kale oo leh gabdhaha waxay halkaa u tageen in ay ka qaybqaataan oo dagaalamaan dagaalka waddanka Suuriya ka jira.

WQ-C/caziiz Baliile

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here