“Gacanyarayaasha laanta Socdaalka ayay u diideen in ay hoteelka ka baxaan”

Magangalyo doonka ku jira hooteelka lagu magacaabo Hotell Eskilstuna oo ku yaala magaalada Eskilstuna ayaa isbuucaan waxay sameeyeen in ay u diidaan gacanyaraasha Laanta Socdaalka in ay hoteelka ka baxaan ka dib markii ay sheegeen in aysan si fiican ula macaamilin.

Arinta ayaa keentay in kama dambeystii ay gacanyaraasha booliska wacaan oo waxyar ka dib ay yimaadeen koox boolis ah oo meesha ka fasaxay dadkii la haystay ka dibna baaritaan ugu dhaqaaqay goobtii.

Magangalyo doonka ayaa ku doodaya in aysan gacanyaraasha si fiican u dhageysan dhibaatooyinkooda. Waxay sheegeen in labo keliya ay ku yimaadaan oo dad badani u baahanyihiin in ay la hadalaan.

“Markasta waxaan isku daynaa in aan la hadalno balse nama dhageystaan. Waxaa na haysta dhibatooyin badan. Waxaa jira saaxiibkey oo daawo u baahan balse aysan la hadlayn, lacag uu daawo ku iibsadana ma haysto” ayuu yiri mid ka mid ah magangalyo doonka hoteelka ku jira.

Dhinaca kale, baaritaan ay boolisku ku sameeyaan hoteelka ayaa  laga helay boorso alaab la soo xaday iyo 18 baaskiil oo la soo xaday. Waxaa loo xiray 1 nin oo lagu eedeeyay in uu masuul ka yahay ficilka tuugada.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

5 Responses

  1. Ali says:

    saaxiib yaaloow waa raaxeysateen hadiiba Hoteel aadegentihiin aa hada sii qey lineysiin anaga buufis ayaa nagu diley Addis Ababa Beeso noodhiiba muruq ha idiin galee

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. Dhagacade says:

    lkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk runtii kal & lab an u qoslay sxb yal shafto noso dhiba iga dheg bro kuwan ay ku cunin adi in ay wax so dhiban iska daya ayaga meshii lagu haayay biliqo & isdil ku haayo wa dad kibrya wa magangalyo doon markas ay meshii lageyay ku kibrayan nama dhagesta kulaha adima kenay hadii hotel la dajiyay xay raban tartiib ma u hadlan xoog & biliqo ay raban wa waxa wadamadoda ka kenay waxas

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Daahir Omar says:

    ASC aqyarta aqristayasha dhaman wa idinsalamay salan kadib waxaan idinka cotsanayaa inaat uduceysin dalkenii dhinacakale asc

    ¨

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Anas... says:

    Abgal ilahow dowladisa darensii

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. uma hibaaq says:

    asc dhamaan bahda somaliska salaam kadib anas ..ayaan lahadlaya walaalo somaali oo idil u duceey!waayo waxaan dowlidnimadiisa aqoon wey badan yihiin maaha abgaal kaliya ee somali oo dhan ayaa habowsan meel kastay joogaan Ilaahow soo Hadey ooxaqa tus adigaa caadile AMIIN! Wabilaahi Towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0