“Ganacsadaha khaatka ee ugu weyn Sundsvall oo la soo xiray”

15

Nin Soomaali ah oo booliska magaalada Sundsvall ay ku tilmaameen ganacsadaha ugu weyn ee masuulka ka ah soo galinta khaatka  magaalada Sundsvall ayaa xabsiga la soo dhigay maalintii arbacada. Ninkaan iyo afar nin oo kale ayaa lagu qabtay iyaga oo khaat faraha kula jira balse afarta nin ayaa la siidaayay halka ninkaan la sheegay in uu yahay “aabaha khaatka”.

Ninkaan Soomaaliga ah oo 52 sano jir ah ayaa sheegay in uusan wax lug ah ku lahayn ka ganacsiga  khaatka, isagoo sheegay in dad cadoowgiisa ah ay been ka sheegeen. Booliska ayaa sheegay in uu qof kale u soo sheegay in raggaan ay khaatka iibiyaan iyadoo ninkaan hada la soo xiray uu hanjabaad u diray ninkii fashilay ganacsigooda.

Khaatka lagu qabtay ninkaan ayaa gaaraya 18kg oo lagu gali karo 5 bilood oo xarig ah balse haddii ay cadaato in uu yahay ganacsade ayuu xabsigu intaas ka dheeraan karaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here