Gariiga oo lagu cambaareeyay sida uu ula dhaqmo qaxootiga.

1

Dalka Gariiga ayaa la cambaareyey sida uu ula dhaqmo qaxootiga dalkeeda ku sugan.Warbixin ay soo saartay laanta Qaramadda Midoobey ee u qaabilsan qaxootiga ayaa lugu sheegay in qaxootiga aan si wanaagsan loola dhaqmo islamarkaasina meelo lugu maxbuuso. Sidaasina waxaa sheegtay sharciy yaqaanad ka tirsan laantaasi qaxootiga.

”Xaaladda ayaa waxey tahay mid halis u ah, muhaajiriinta, dadka magangalyo doonka ah, qaxootiga, waxaana jiro kuwo ay si gaar ah u saameyso, kana soo horjeedo sharciga u degsan midowga Yurub ee xaquuqda aadanaha iyo tan caalamiga ah”

Sida qaalibka ah waxaa la sheegaa qaxootigaasi in meelo lugu maxbuuso hadaaney jirin waxyaabo horumar oo la taaban karro.Waxaa sidoo kale la sheegay inaaney qaxootigaasi ogeyn iyagoo qaxooti ah  sababaha meelo lugu maxbuuso. Tarjumaanadda iyo qareenadda u dooda qaxootiga ayaa sidoo kale warbixintu sheegtay iney aad ugu yar yihiin.

Xigasho: Sveriges Radio

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here