Garoonka diyaaradaha Landvetter oo la xayiray ka dib boorso ay jireen waxyaalo xarqa oo looga tagay

4

Xalay goor dambe ayaa, waxaa la faaruqiyey garoonka diyaaradaha Landvetter ee ku taala duleedka magaaladda Göteborg ee caasimadda labaad ee Iswiidhan.

Arrintan ayaa timid markii boorso looga tagay qeybta ay ka soo dagaan rakaabka,ka dibna la waayey cid qaadata. Taasi ay keentay in tuhun liyo argagax laga qaado.
Ku dhawaad 1000 ruux oo soo cagatay diyaaridii waday ayaa basas looga daad gureeyey garoonka, halka 200 ruuxna oo duuli lahaana dib loo dhigay duulistooda. Shirkada gacanta ku heeysa adeegyada garoonka ee Swedavias, ayaa sheegtay in talaabadda ay ku wargeliyeen booliska ay aheyd arrin waajib hadana ay eegayaan siddii rakaabka duulimaayadooda la hakiyey ay markale u safri lahaayeen .Inkastoo boolisku baariraano dheer ay sameeyeen ku ogaadeen in waxyaabihii ku jiray booradda garoonka looga tagay ay gacanta ku dhigeen islamarkaasina aan aheyn mid dadka halis gelineeysa amaankooda. Ugu dambeyntiina waxaa ay boolisku saacado ka dib boolisku dib u  fureen garoonka kana qaadeen xayiraadi lugu soo rogay, iyadoo ay maanta oo talaaddo ah duulimaadyadii dib u bilowdeen.

Somaliska.com- Göteborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here