Gävle: Soomaali ku guuleysatay bilad ganacsi

3

Ganacsato Soomaali ah oo shirkad ku leh magaalada Gävle ayaa ku guuleysatay bilad ganacsi oo sanadkiiba mar laga bixiyo gobolka, iyagoo laga yaabo in ay ku guuleystaan bilada weyn ee uu bixiyo boqorka Sween Carl XVI Gustaf.

Faadumo Ahmed iyo Artan Dhiblawe ayaa shirkad daryeesha dadwaaweyn waxay ku leeyihiin magaalada Gävle, iyagoo lagu amaanay sida ay kor ugu kiciyeen shirkadooda. Hada ayay kuguuleysteen bilada loo yaqaan “Årets nybyggare” oo ay bixiyo hay’ada IFS. Biladadaan ayaa gobolkasta laga bixiyaa sanadkasta, iyadoo bisha October uu boqorka Sweden bixiyo biladaan oo weyn taasoo cida ku guuleysata ay helayaan 100 000kr.

Faadumo iyo Artan ayaa shirkada aasaasay sadex sano ka hor, iyagoo hada ay xaruntooda tahay magaalada Gävle balse shaqaale ku leh 13 magaalo oo kale. Shaqaalaha shirkada ayaa ku hadla luuqadaha Af-Soomaaliga, arabiska iyo kurdiska. Milkiilayaasha shirkada ayaa lagu amaanay in ay si wanaagsan u heleen suuq gaar ah, isla markaana ay abuureen shaqooyin badan.

Biladaan Årets nybyggare ayaa ah mid la siiyo dadka soo galootiga ah ee horumarka ganacsi ka sameeyay wadanka Sweden. Horay ayaa gabar Soomaali ah ay ugu guuleysatay biladaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here