Germany oo soo saartay go’aan qaxootiga ku saabsan oo ay aad uga carootay Sweden

Dowlada Jermalka ayaa soo saarty go’aan ay si weyn uga caroodeen wadamado badan oo ay ku jidho Sweden. Iyadoo wadamadaas ay ku hanjabeen in ay dowlada Germany horgeyn doonaan maxkamada Yurub. Jermalka ayaa ku dhawaaqay in aysan aqbali doonin in wadamada kale ay dib ugu soo celiyaan qaxootiga soo maray wadankooda, taasoo jabinaysa xeerka Dublin.

Sida caadiga ah ayaa sharcigu farayaa in qofka qaxootiga ah in uu magangalyo ka dalbado wadanka ugu horeeya ee uu soo maray, iyadoo dad badan ay Germany uga soo gudbeen Sweden. Ilaa sanadkii hore ayaa dowlada Sweden waxay dib ugu celinaysay qaxooti badan oo Germany transit ku soo maray balse hadda ayaa Germany diiday arintaas.

Dadkaan ayaa ah kuwo faraha looga qaaday Jermalka balse u sii gudbay wadanka Sweden iyo wadamo kale. Nidaamka Jermalka ayaa ah mid labo talaabo ah, oo markii uu qofku wadanka soo galo diiwaan galin lagu sameeyo ka dibna talaabada labaad ay tahay in uu magangalyo dalbado. Jermalka ayaa hadda waxaa ku sugan qaxooti u dhexeeya 300,000 – 600,000 qof oo aan wali magangalyo dalban iyadoo kala bar aan faraha laga qaadin.

Wasiirka socdaalka Sweden Morgan Johansson ayaa sheegay in uu fahansayahay sababta ay Jermalku u diidayaan in dib loogu soo celiyo dadka ka baxay wadankooda, maadaama ay wali Jermalka soo galayaan tobonaaan kun oo qof isbuuckasta balse ay muhiim tahay in la raaco xeerka Dublin. Marka loo barbar dhigo Germany ayaa tirada qaxootiga soo galaya Sweden ay aad hoos ugu dhacday ka dib markii xuduudaha ay xirtay Sweden. ilaa bilowga bisha Maarso ayaa Sweden waxaa soo galay 667 qof oo keliya, Sidaa darteed ayaa wasiirka socdaalku sheegay in ay muhiimtahay in Sweden ay sii adkayso xuduudaha iyo waydiinta aqoonsiga.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. Kabtan matii says:

    Somali nooma roona yurup nooma roona Allah ayaa og meesha nooroon

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  2. cadnan says:

    Rabiyow madaxa isku gali umada lacuna qabateyay hameleysma

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  3. cabdi says:

    Aad baan ugu faraxasanahay ,go, aanka jarmalka qaateen aniga, waxaan ka mid ahay dadka iskaga soo tagay jarmalka oo aan wax faro ah ka qaadin in dib leeygu celiyone ma rabi, hadda waxaan jooga sweden waxeeyna rabeen in eey igu celiyaan jarmalka, madaama aan ku idhi interviju jarmalka Ayaan soo maray sidaas owgeyd jarmalka kugu celineynaa halkaas beey aheyd in aad iska dhiibto, waxaan usheegaya walaalaheyga soomalida in dadka hadda iska dhiibaya sweden eeyna dhihin jarmalka Ayaan soo marnay waayo taas kaliya ayaa laguugu celinayaa, ama faro lahow ama ha laahinin isku mid baa tihiin kan faraha leh iyo kan aan laheyn

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

    • ibra says:

      Cabdi bro namberkas iga so qabo arin badan ayan tas kaga haya 0729053083

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. mohamed says:

    Aniga waxa aan kataga dalka swedan markii ay i diiden oo ay isiiyen sadax diidmo waxa aan aday dalka germalka waxa aan jogay halsano waxa la ii ogoladay shaqo waan shaqeynaayay waxane waan baranayay markii aan halsano jogay ayaa la i dhahay waa i aad ku noqota dalka aad katimid swedan marka aan weydiyay sababtu waxa waye ayaga ayaa ku soo codsadeyn ayaa la i dhahay xata loyar waa la ii diday inaan qabsado waxa la igu so celiyay dalka swedan hada waxa aan joga 14 swedan waan fahami la ahay sababta hadii ay leyihiin qofki aan diidmo siino waa inuu wadanka iskaga baxa maxa losocelina fadlan feker iga siiya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Dublin says:

    sharciga dublin ayee kuu adeegsadeen. sweden iney kusoo ceshato weyku qasbaneyd.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. ibra says:

    Jimcaale sxb cabdi yarkan la dhoho igu so xiro mihim ayan u ahay fadlan cidi wax igu dhanto oo garaneyso ama hadi ad commentigeyga u jedo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0