Go’aan wanaagsan oo ka soo baxay maxkamada socdaalka Malmö

31

Maxkamada Socdaalka ee ku taala magaalada Malmö ayaa go’aan wanaagsan ka soo saartay kiis reer Soomaaliyeed oo isdalbanayay. Reerkaan oo ka gooban hooyo dalbaneysa in lala mideeyo 4 caruur ah iyo ninkeeda ayaa markii hore waxaa diidmo siisay Laanta Socdaalka ka dibna ay xareysteen racfaan.

Maxkamada ayaa go’aankeeda ku sheegtay in dheecaanka DNA ee laga qaaday reerka uu cadeynayo in xiriirkooda uu 99.98% sax yahay. Maxkamada ayaa go’aamisay in reerka guud ahaantooda la siiyo degenaansho iyadoo la eegayo danta guud ee caruurta iyo xaqa mideynta reeraha ee ku dhisan sharciga Sweden iyo kan caalamiga ah.

Maxkamada oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in aysan helin sharci qasab ka dhigaya in qofka uu cadeeyo aqoonsigiisa marka uu dalbanayo in lala mideeyo reerkiisa. Xuquuqda mideynta reeraha ayay maxkamadu ka hormarisay waxkasta.

Maxkamada ayaa dib u baartay taariikhda sharciyada iyo go’aamadii hore iyagoo sheegay in xaqa midnimada reerka ay ka muhiimsantahay shuruuda aqoonsiga, isla markaana waa in dheecaanka DNA loo aqbalaa in uu yahay cadeyn.

Maxkamada ayaa ku celcelisay in danta caruurta laga hormarinayo waxkasta oo kiiskaan aysan waalidiintu cadeyn karin aqoonsigooda balse iyadoo la eegayo danta caruurta sidaa sharci lagu siinayo dhamaantood. 3 ka mid ah caruurta ayaa aabahood dhintay halka 1 kale aabihiis uu yahay ninka loo dacwoonayo, maxkamada ayaa sheegtay in guurka ninkaas uu shaki ku jiro maadaama aysan shahaado keenin balse la aqbali karo maadaama labada qof ay caruur isku leeyihiin.

Maadaama uu dhintay aabaha sadexda caruurta ee kale ayaa maxkamadu sheegtay in aan wax cadeyn ah looga baahneyn hooyada. Sidaa darteed ayaa caruurta iyo aabaha waxaa la siiyay degenaansho.

Go’aankaan maxkamada ayaa la dhihi karaa waa midkii ugu wanaagsanaa ee mudo dheer ka soo baxa maxkamadaha Sweden, waloow aysan maxkamadaan ahayn maxkamada ugu sareysa Sweden ayay hadana waxay tahay biloow wanaagsan. Go’aanka maxkamada kuma cada in aabaha iyo caruurta ay Sweden ku sugunyihiin ama ay dibada ka soo dalbadeen, si kastaba ha ahaatee waa go’aan bilow ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here