Go’aanka Baarlamaanka

86

Dood dheer ka dib oo si weyn layskula lafa guray arimaha soo galootiga iyo socdaalka ayaa waxaa na soo gaaraya warar sheegaya in baarlamaanka Sweden uu diiday mooshinadii lagu dalbanayay mideynta familida qaasatan kuwa Soomaalida iyo inta badan mooshinadii ku saabsanaa arimaha socdaalka iyo soo galootiga iyagoo raacay talada ay soo jeediyeen gudi hore loogu saaray arintaan. Talada gudiga ayaa ahayd in la diido mooshinada la soo bandhigay iyadoo sida aan wararka ku heleyno arintu sidaas u dhacday.

Maria Ferm oo ka tirsan xisbiga Miljlöpartiet kana mid ahayd dadkii soo diyaariyay mooshinada ayaa ii xaqiijisay in la diiday guud ahaan mooshinadii iyadoo intaas ku dartay in iyaga iyo dowlada ay sii wadayaan wadashaqeynta ay kala saxiixdeen bilowgii sanadkaan. Waxay intaas ku dartay Maria in xisbiga Miljöpartiet ay ka shaqeynayaan sidii heshiiskii dowlada ay la kaleen loo dardar galin lahaa oo xal deg deg ah loogu heli lahaa mideynta reeraha Soomaalida.

Sidoo kale waxaan jawaab ka helay Christina Höj Larsen taasoo ii sheegtay in iyaga iyo xisbiga SocialDemokraterna oo keliya ay u codeeyeen Reservationka sidaa darteedna looga codbatay. Waxay intaas ku dartay in xisbiga Vänsterpartiet uu ka shaqeyn doono sidii isbedel deg deg ah loogu sameyn lahaa sharciga si loo suurto geliyo mideynta familada Soomaalida.

Waxaa sidoo kale jawaab ii soo diray Amir Aden oo ka tirsan mudanayaashii soo diyaariyay mooshinada shalay la diiday isagoo ii sheegay in la diiday dhamaan mooshinada oo sababtu ay tahay in horey looga heshiiyay arinta ku saabsan mideynta reeraha Soomaalida oo lagu xalin doono dheecaanka DNA heshiiskaas oo ay gaareen Dowlada iyo Xisbiga Miljöpartiet. Waxa uu intaas ku daray dadka aan wax isku dhalin in xal kale loo raadin doono balse uusan hada ogeyn sida xalkaas uu noqonayo.

Fursada kaliya ee furneyd xaga codeynta baarlamaanka ayaa ahayd wax loo yaqaan (Reservation) oo ay sameeyeen xisbiyada SocialDemokraterna iyo Vänsterpartiet oo ay ku dalbadeen in la ansixiyo mooshinada ku saabsan arimaha mideynta familada balse nasiib daro waa laga itaal roonaaday dalabkaas.

Arintaan ayaa loo aanaynayaa heshiiskii ay gaareen dowlada Sweden iyo xisbiga Miljöpariet oo iyagu hore ugu heshiiyay in la xaliyo arimaha mideynta familada balse waxaa soo baxay dhaliilo ku wajahan arintaas isbuucyadii ugu dambeeyay iyadoo la sheegayo in ay waqti dheer qaadaneyso oo laga yaabo ilaa 2013.

Si kastaba ha ahaatee arinta Soomaalida ayaa maanta si weyn looga dooday baarlamaanka Sweden iyadoo sidoo kale ay Soomaalidu shucuurtooda mudaharaad ku soo bandhigeen.

Wali waxaan soo aruurineynaa warbixinada ku saabsan arintaan, wixii ku soo kordha waxaan ku soo bandhigi doonaa halkaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here