Örebro: Cunsuriyada iyo goobaha caafimaadka

15

Xarunta caafimaadka ee xaafada Vivalla Örebro ee ay ku badanyihiin Soomaalida ayaa lagu eedeeyay in ay cunsuriyeeyaan dadka soo galootiga ah ee aan ku hadli  karin luuqada Swedishka. Shaqaalaha xarunta ayaa la sheegay in aysan turjumaan u qaban dadka ay luuqadu ku adagtahay isla markaana aysan daryeel caafimaad oo wanaagsan siin.

Sida ay qortay idaacada Sweden, Waxaa tusaale loo soo qaatay in xaruntaas markii qof xanuunsan uu tago oo soo galooti ah aysan u qaban turjumaan, waxaa ka sii daran in qofka daryeelka caafimaad u baahan ay mararka qaar u diraan goobo kale ama ay toos ugu diidaan daryeelka caafimaadka. Haddii qofku uu ka tagi waayo hospitaalka ayaa la sheegay in ay ugu hanjabaan in booliska loogu wici doono.

Arintaan ayaa waxaa qeylo dhaan ka muujiyay ururada u dooda xaquuqda dadka ee ka dhisan Örebro iyadoo hospitaalka Vivalla lagu dacweeyay maamulka gobolka. Maamulka ayaa sheegay in la doonayo in qofkasta uu helo daryeel caafimaad oo dhamaystiran balse waxay ka soo horjeesteen eedeynta ah in cunsuriyad ay ka jirto goobtaasi.

Eedeymaha loo soo jeediyo goobaha caafimaadka Sweden iyo sida ay ula dhaqmaan soo galootiga ayaa ah kuwo aan la soo koobi karin. Soomaalida ayaa qaasatan dhibaato weyn ku qabta xiriirka hospitaalada. Marka laga reebo turjumaanka ayaa dhibaatooyinka kale waxaa ka mid ah in aysan dhaqaatiirta Sweden fahmin cudurada iyo baahida bukaanada Soomaalida. Halkaan ka akhriso mowduuc kale oo horay aan uga qornay dhibaatada caafimaadka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here