Goorma ayaa la xalinayaa arinta soomaalida?

12

Waa su’aasha ay dhamaan isweydiinayaan waalidiinta, xaasaska iyo raga sugaya in lala mideeyo reerahooda. Doodii iyo go´aankii baarlamanka ayaan jawaab ka bixin suaashaas iyadoo lagu dhameeyay arinta in loo daayo heshiiskii ay gaareen dowlada iyo Xisbiga deegaanka (Miljöpartiet) hadaba sideen ku heli karnaa jawaabta su´aashaan? Dadka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo dhowr isbuuc in ay qaadato halka kuwa kalena ay leeyihiin ilaa 2013 ayaa macquul ah. Waxaa u maleysaa Soomaalidu in ay ka dhaadhici la´dahay ilaa 2013 iyadoo dadka qaar ay faafiyeen in bogga Somaliska.com lagu qoray in Soomaalida xal laga gaarayo 2013.

Hadaba sidaas ma aanan qorin anaga, waxaan qornay in laga yaabo in ay gaarto ilaa 2013 balse sidoo kale laga yaabo in dhowr isbuuc ama bilood arinta Soomaalida lagu xaliyo. Mar aan xiriir la sameynay xildhibaanada u doodaya arimaha Soomaalida ayay ka gaabsadeen in ay noo sheegaan waqti cayiman oo arinta la xalinayo balse waxay ku celceliyeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga shaqeynayaan arintaan iyo in arinta mideynta reeraha kala maqan ay tahay  mid la siinayo muhiimad gaar ah – sidaas waxaa yiri Maria Ferm oo ka tirsan xisbiga MP.

Dhinaca kale wali waxaan jawaab ka sugeynaa maxkamada sare ee Socdaalka oo ilaa bishii Februari naloo sheegay in ay u fadhido arimaha Soomaalida. Ka hor doodii baarlamaanka mar aan la xiriiray ayay ii sheegeen in aysan faahfaahin ka bixin karin kiisaska qaaska ah ee maxkamadu u fadhido balse ay arintaan jirto.

Si kastaba ha ahaatee, waxay arintu isugu soo biyo shubaneysaa in arinta Soomaalida la xalinayo balse ay ku xirantahay waqti oo keliya. Waxaa kale oo muhiim ah in la ogaado xalkasta oo  yimaada in uusan noqon doonin durdurkii hore.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here